Soomaalida oo Lagu Bah-dilay Saami Qaybinta Kuraasta Baarlamanka Cusub Ee Itoobiya

0
1544

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaciyay goob doorashooyinka baaralamaanka dowladda dhexe lagu soo galayo golaha shacabka dalkaasi iyo tirada ka imaneysa gobol walba.

Xafiiska guddigaas ee magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu qabtay shirkii lagu shaacinayay goob doorashooyinka sagaalka deegaan iyo labada ismaamul magaalo, waxaana saamiyada gobollada ee la shaaciyey aad loogu bah-dilay Soomaalida.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ee Itoobiya.

Guddiga doorashada ayaa waxa uu shirkaasi ku soo bandhigay khariiddada goob doorashooyinka oo ka kooban 547 xubnood. Deegaannada sagaalka ah ee dalkaas iyo labada ismaamul magaalo ayaa waxa ay kuraasta u kala heleen sida soo socota:

Deegaanka Oromada: 178 kursi

Deegaanka Amxaarada: 138 kursi

Deegaanka Shucuubta Koonfureed: 123 kursi

Deegaanka Tigreeda: 38 kursi

Deegaanka Soomaalida: 23 kursi

Deegaanka Bani-shangul: 9 kursi

Deegaanka Canfarta: 8 kursi

Deegaanka Gambeella: 3 kursi

Deegaanka Harerida: 2 kursi

Ismaamulka magaalada Addis Ababa: 23 kursi

Ismaamulka Diri-dhaba: 2 kursi

Sida ka muuqata saamigan, Soomaalida ayaa la siiyey kuraas aad uga yaar baaxadda dhulkooda iyo tirada dadkooda, iyada oo gobolka Soomaalida uu yahay kan labaad ee ugu baaxadda weyn, halka tiro ahaan la sheego qowmiyadda saddexaad ee ugu badan.

Haddaba gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya, Burtukan Mideqsa, oo goobta ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in goob doorashooyinka ay soo bandhigeen ay yihiin kuwii hore oo aanay waxba ka badelin.

Mideqsa waxa ay intaasi sii raacisay in goob doorashooyinkan lagu saleeyay tirakoobkii la sameeyay 1984, waxaase goob doorashooyinkaas dalka laga dhaqangeliyay 1993-kii.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa hore uga cabatay kuraasta uu deegaanku ku leeyahay golaha shacabka ee dalkaas.

Deegaanka ayaa dalbaday in ugu yaraan 7 xubnood loogu kordhiyo 23 kursi ee uu hore u lahaa, maadaama ay korortay tirada shacabka deegaankaas.

 

Hargeisa Press Desk/Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here