Somaliland: Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Digay In La Siyaasadeedyo Boqor Burhaan Oo Imanaya Badhan

0
803

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo Bookhasho la filayo in Boqorka Daarood Boqor Burhaan Muuse ku imanayo Degaanka Badhan ee Bariga Somaliland.

“Waxaa kaliya oo reeban oo aanu ka digaynaa in waji siyaasadeed loo yeelo oo aanay halkaas ka dhici Karin wax siyaasad ah oo lagu dhibaataynayo dawladda Somaliland.Qofku mar hadduu afeefto waa wax fiican, waxaanu ku digaynaa in laga taxadaro oo ay noqoto mid reeban in dhaqdhaqaaq siyaasadeed halkaas laga sameeyo oo fursadaa Boqorku ku imanayo si kale looga faa’iidaysto” ayuu yidhi Wasiir Caddami oo Xalay warbaahinta la hadlay.

Wasiirku waxa uu sheegay in Boqorka ay Aqoonsan yihiin islamarkaana Caleema saarkiisa oo degaanka Qardho ka dhacay ay ka qayb galeen Dad reer Somaliland ah oo tix galinayay islamarkaana lagu sharfay, balse aanay Somaliland marna aqbalayn in halkaasi arimo siyaasadeed lagu lamaaneeyo siyaaradda Boqorka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here