Somaliland oo Sheegtay In Madaxtooyada Soomaaliya Weerar Ku Soo Qaaday oo Ay Joojisay Diyaaradda Fly Dubia

0
4543

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay tallaabadii ay saaka Dowladda federaalku Soomaaliya dib ugu celisay diyaaradii Fly Dubai ee qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay.

Maxamed Warsame Ducaale, oo ah wakiilkeeda QM u fadhiya Somaliland ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Dowladda federaalku ay ku wargelisay diyaarada Fly Dubai inyna soo dagi karin madaarka Hargeysa.

Danjire Maxamed Ducaale ayaa talaabadaasi ku micneeyay mid ay Villa Somalia ay ka leedahay beegsi cad oo loo jeedo.

Sidoo kale, waxa uu danjiruhu xusay inay waajib tahay in laga jawaabo wax uu ugu yeedhay siyaasada argagixisinimo iyo mida dhaqaale ee aan qorsheyneyn ee ay wado Villa Somalia.

“Villa Somalia waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland. Shirkada duullimaadyada ee Fly Dubai ayey ku wargelisay inaanay soo degin madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa” ayuu yidhi Danjire Maxamed Warsame.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waa in laga jawaaba Argagixisanimadda siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee aan qorsheysnayn ee ay wado Villa Somalia”.

Hadalka Danjiraha ayaa imanaya kadib markii saaka laga celiyay Hawada Somaliland diyaarada Fly Dubai oo siday rakaab ku wajahna magaalada Hargeysa, isla markaana rabtay inay ka dagto garoonka Cigaal.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here