Somaliland Oo Ka Arrinsanaysa Wada Shaqaynta Haayadaha Qaramadda Midoobay

0
226

Hargaysa (HP): Wasirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa maanta Xafiiskiisa ku Shir-gudoomiyay Shir lagaga arinsanayay Wada shaqaynta hayaddaha Qaramadda Midoobay.


Shirkan ayaa lagaga tashanayay Wada shaqaynta hay,adaha qaramada Midoobay ee sida tooska ah uga shaqeeya Caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qaabkay u wada shaqeeyaan.


Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, dhamaan agaasime waaxdeedayda kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Qaar ka mid ah La taliyayaasha kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Shirkan ayaa waxaa lagu Falanqeeyay Mashaariicda Caafimaad ee haayaddaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Haayaddaha Caalamiga ah.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay masuuliinta kala duwanaa ee ka soo qayb-gashay shirkan.

Isagoo Hoosta ka xariiqay Sida ay muhiimka u tahay in mar walba laga arinsado layskagana imaado Horumarinta iyo kor u qaadista adeegyadda ay Wasaaraddu bixiso ee Caafimaadka iyo Mashaariicaha Caafimaad ee ay Wado.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here