Somaliland Oo Qaramadda Midoobay U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Soomaaliya

0
733

Nairobi (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa  cabasho ka dhan ah dawladda federalka Soomaaliya u gudbisay qaramadda midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha hawadda.

Dacwadaasi oo la xidhiidha heshiiskii maamulka hawadda ee Soomaaliya dhawaan la saxeexatay hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan hawadda ee ICAO.

Sida uu xaqiijiyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar, kaasoo nuxurkiisu yahay in Soomaaliya ay jebisay heshiiskii Turkiga ee laga gaadhay qaybsiga maamulka hawadda.

“Dawladda Somaliland waxay cabasho ka u gudbisay qaramadda midoobay iyo hay’adda caalamiga ah. sababtoo ah waxaan u aragna in dawladda federaalka Soomaaliya ay dhinac martay heshiiskii Turkiga lagu gaadhay ee ahaa in maamulka hawadda ay si siman u wada maamulaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Hay’adda ICAO may tixgelinin anshax ahaan heshiiskii ay labadda dawladood ku gaadheen magaaladda Istanbul ee dalka Tukriga”ayaa lagu yidhi war kooban oo wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya uu maanta warbaahinta siiyay.

Dacwadan ay Somaliland ka gudbisay dawladda federaalka Soomaaliya ayaa imanaysa kadib markii todobaadkii hore ay Soomaaliya hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan hawada ee ICAO la saxeexatay heshiis dhigayay in si buuxda Soomaaliya loogu soo wareejiyo maamulka hawadda.

Heshiiskaasi oo ay ka mid tahay in shaqaalihii ka shaqayn jiray maamulka hawadda Soomaaliya ee fadhiyay magaaladda Nairobi ay la soo wareegto iyo sidoo kale dhamaanba wixii duulimaadyo ah.

Tan iyo sanadkii 2012-kii waxaa jiray shirar kala duwan iyo wada hadalo u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ka mid ahaa heshiiskii Istanbul 2.

Kaasoo dhigayay in labadda wadan ay aasaasaan guddi maamusha hawadda oo xaruntooduna noqoto magaaladda Hargaysa.

Guddidaasi oo ka koobnayd afar xubnood ayaa lagu heshiiyay in labadda dal uu mid walba laba xubnood yeesho.

Heshiiskaasi oo ay taageertay qaramadda midoobay. Hase yeeshee, heshiiskaasi ayaa lagu guul daraystay in la dhaqan geliyo.

Geesta kale bishii March ee sanadkii hore ayay dawladda federaalka Soomaaliya waxay dib ula soo wareegtay maamulka 34 xarumood oo laga hago duulimaadyadda, kuwaasoo markii hore laga maamuli jiray magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here