Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Hargeysa Ka Furay Xarunta Lagu Xanaanaynayo Agoomaha + SAWIRRO

0
1324

Hargeysa(HP)- Xarun Hoy iyo goob waxbarasho u noqonaysa ilaa 717 ka mid ah Caruurta Agoonta ah ee Somaliland ayaa maanta laga furay duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa. Mashruucan oo iskugu jira goob waxbarashada hoose, dhexe, sare iyo Farsamada iyo farshaxanka iyo waliba Goob Caafimaad iyo Goobaha Cibaadada waxaa hirgalisay islamarkaana maalgalisay Dawladda Kuwait.

DHIS 3

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno golihiisa wasiirada ka tirsan ayaa ka qayb galay xafladda furitaanka. Waxa sidoo kale ka qayb galay Weftiyo ka socda Dawladda Kuwait iyo Jabuuti.DHIS6

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa si balaadhan ugu mahadceliyay Dawladda Kuwait ee Hirgalisay Mashruucan. Waxaanu dhagax dhigay goob halkaasi ka ag dhaw oo u gaar noqon doonta Hablaha. Dhismaha xaruntan ayaa socday mudo laba sano ah.

dhi10

DHIS7

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here