Somaliland: Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka Qaybgalay Aas loo Sameeyey Marxuum Maydkiisa la Raadinayey Lix Caano-maal

0
893

aaska-iyo-sayliciHargeysa , (HargeisaPress) — Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay aas loo sameeyey shalay Marxuum Nuux Xuseen Samatar (Ina Xuseen-turub) oo lix caano-maal kadib maydkiisa la soo helay markii uu qaaday daad marayey dooxa Dacar-budhuq ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Marxuum Nuux Xuseen Samatar (Ina Xuseen-turub) oo galinkii dambe ee Arbacadii hore oo ku beegnayd 8-dii bishan October daadku la tagay baabuur ay wateen isaga iyo nin kale oo ay walaalo ahaayeen, balse isagu ka badbaaday, kaas oo baadi-goob culus oo muddo saddex maalmood ah lagu raadinayey maydkiisa laga soo helay subaxnimadii Sabtida maanta tuulo ku taal xeebta oo la yidhaa Afmadow oo qiyaastii 40KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Dacar-budhuq oo uu daadku ka qaaday, ayaa lagu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa maanta.

Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Saylici, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubno wasiirro ah oo ka qaybgalay aaska, ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay Marxuum Nuux Xuseen Samatar (Ina Xuseen-turub), iyagoo isagana Alle uga baryey inuu u naxariisto.

Dhinaca kale, Cali Siciid Saleebaan (Cali-geenyo) oo ka mid ah ehelada Marxuum Nuux Xuseen Samatar, ayaa dhambaal mahadcelin ah u diray dadkii kala qaybqaatay raadinta maydka marxuumka, waxaannu yidhi, “Waxaannu u mahadcelinaynaa dhammaan dadkii kala duwanaa ee ka qaybgalay gurmadkii baadi-goobka maydka marxuumka, gaar ahaan dadweynaha ku nool degaanka Dacar-budhuq ilaa xeebta.”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here