Somaliland: Khilaafkii Xisbiga UCID Oo Dib U Istaadhmay Iyo Gudoomiye Faysal Oo Sheegay Inaanu Jamaal Cali Xuseen Musharax Xisbiga UCID Ahayn

0
844

HARGEISA , (HargeisaPress) —Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo  shir jaraa’id ku qabtay  magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Jamaal Cali Xussen aanu aheyn musharaxa  madaxweyne ee xisbigaasi UCID.

 

Muddane Faysal Cali Waraabe waxaa  uu  sabab uga dhigay hadalkiisa  isaga oo sheegay in wakhtigii Jamaal loo doortey Musharaxa  madaxweyne uu xisbiga  UCID ahaa urur balse  xisbigu  iminka uu dooran doono musharax madaxweyne oo rasmi isla markaana ay shir weynahoodii golaha dhexe qaban doonan marka ay diwaangalintu dhamaato waxaana uu yidhi

 

“Jamaal Cali Xussen  ma aha musharax yaa idinku yidhi waa musharax , maalintii aanu musharaxa ka dhignay xisbiba maanu aheyn  hadii uu musharax noqdana xisbiga ayuu ka soo bixi doonaa laakin waxaan sheegayaa Jamaal wakhti xaadirkan maaha musharaxa doorashooyinka uga qayb galaya xisbiga UCID  ” Ayu yidhi  Faysal Cali Waraabe

Sidoo kale  gudoomiye Faysal Cali waxa uu carabka ku dhuftay  in  xukuumada Somaliland  iyo xisbigeeda Kulmiye uu xidhiidh ka dhexeeyo isla markaana ay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID  ay dano gaar iyo mid guudba ka dhexeeyaan waxaana uu yidhi.

 

“Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada dan baa naga dhaxeysa iminkana shir baaba aanu wada galeynaa markaas dano guud iyo mid gaar baa naga dhexeeya ee ma ceebaa taasi ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay Faysal Cali Waraabe.

 

Si kasteba ha ahaatee khilaafkan ka dhaxeeya gudoomiye Faysal Iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa noqonay khilaafkii  labaad ee ka dhex qarxay xisbiga UCID isla markaan auu gudoomiye Faysal sheegay inaanu Jamaal Cali Xuseen ahayn musharax doorashooyinka uga qayb galaya xisbiga UCID.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here