Somaliland: Diiwaangalintii Codbixiyayaasha Oo Ka Bilaabmaysa Gobolada Saaxil, Hawd Iyo Gabiley Iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka Oo Qaarkood U Baxeen Gobolka Saaxil

0
925

Hargeysa, (HargeisaPress) —Diiwaangalinta codbixiyayaasha ayaa maalmaha fooda inagu soo haya waxay ka bilaabmaysa gobolada Saaxil, Gabiley Iyo Hawd.

 

Waxaana xaflad lagu  daah furayo diiwaangalinta codbixiyayaasha ay gudida doorashooyinka qaranku u qorsheeyeen  inay ka dhacdo gobolka saaxil 13 . 03, 2016- Waxaana  Qaar kamida masuuliyiinta xisbiyada qarankuna ay safar ugu baxeen gobolka saaxil.

 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani mudane Cirro iyo wafti uu hogaaminayo ayaa iyagu saaka ka amba baxay magaalada hargeysa, iyaga oo usii jeeda gobolka saaxil.

 

Waxaana ajandaha safarkoodu uu daaran yahay sidi ay uga qayb galli lahaayeen isla markaana ay goob joog uga noqon lahaayeen furitaanka diiwaangalinta iyo waliba inay dadwaynaha gobolka Saaxil ku dhiiri galiyaan qaadashada kaadhka lagu codaynayo.

diwaan gelinta

Sidoo kalena waxa Iyana xusid mudan in qaar kamida masuuliyiinta xisbiga Ucid oo uu hor kacaayo gudoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal Cali Waraabe  ay iyaguna  sii joogeen magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil si ay goob jogayaal uga noqdaan xaflada daahfurka diiwaangalinta codbixiyayaasha sidoo kalena ay bulshada goboladaa ku baraarujiyaan inay qaataan kaadhka codaynta.

 

Dhanka kalena masuuliyiinta xisbiga Kulmiye Ayaan iyagu wali u bixin gobolka saaxil waxaana la filayaa inay iyaguna maalmaha soo socda u kicitimaan dhankaa iyo magalaada berbera ee xarunta gobolka saaxil.

 

Si kasteba ha ahaatee diiwaangalinta codbixiyayaasha ayaa  kaga soo dhamaatay gobolada Togdheer Iyo Awdal Si nabad ah marka laga reebo weerar lagu qaaday goobtii diiwaangalintu ka socotay ee deegaanka lughaya oo ka tirsan gobolka awdal isla markaan ay xukumaddu u xidh xidhay weerarkasi salaadiin loo tuhmayo inay ka danbeeyeen weerarkaasi, Sidoo kalena waxa la filayaa inay gudida doorashooyinka qaranku ay magaalada hargeysa ka amba baxaan maalinta arbacadda ee fooda inagu soo haysa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here