Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Faahfaahiyey Safar ay ku Tageen Djibouti + SAWIRRO

0
1312

HARGEISA, (HargeisaPress) —Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamed Xuseen Dhabbeeye ayaa faahfaahin ka bixiyey Safar ay ku tageen Dalka Djibouti isaga,Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarah Maydhane iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdilaahi (Qodax).

Agasime M

Agaasime Dhabbeeyo ayaa Caawa bartiisa Facebook, waxa uu sharraxaad kaga bixiyey ujeeddada Safarkaasi iyo waxyaabihii uga soo qaboosay, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:

 

“Safar shaqo oo aanu ku tagnay dalka Djibouti, kaasi oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarah Maydhane, Anniga iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdilaahi (Qodax)

moh

Muddo toddobaad ah oo uu safarkayagani qaatay ayaa ujeedadiisu ahayd kor u qaadista xidhiidhka labada dal ee dhanka ciyaaraha kala duwan, waxaanan la kulanay intii aanu halkaas ku sugneyn xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha dalka Djibouti.

 

Waxaa kale oo aanu arragnay dhallinyaro kala duwan iyo ururo, waxaa sidoo kale aanu la kulanay naadiyada kala duwan ee ciyaaraha, ganacsato, dad kale oo muxtarifa oo dadka reer Djibouti ka mid ah iyo Ajaaniba.

 

Waxaa Safarkayagan nooga Qabsoomay:

 

– Inaanu Somaliland ku soo casuunay oo iman doona kooxda kubadda cagta Ilaaladda Jamhuuriga ee ku ciyaarta ciidanka Madaxtooyada Djibouti, ujeedada aanu u casuunayna waxay tahay inay ka soo qeyb-galaan ciyaar furitaan ah oo saaxiibtinimo oo dhex mari doonta kooxaha kubadda cagta Somaliland qaar ka mid ah oo garoonka Hargeysa Stadium aanu rabno inaanu ku furno, intaan ciyaaraha gobolladu bilaabmin.

agaasime Moha

– Waxaa kale oo shaqooyinka noo qabsoomay ka mid ahaa inaanu xidhiidhada aanu kulanay ka wada hadalnay sidii loo dhisi lahaa xidhiidhadeena kala duwan, ee arrimaha farsamada iyo agabkaba looga caawin lahaa oo ay ka mid yihiin tababarada iyo qalabka kala duwan ee ciyaaraha iyo sidii xidhiidhada Somaliland ay fursad ugu heli lahaayeen inay la xidhiidhaan xidhiidhada ciyaaraha ee adduunka, waxayna noo ballan-qaadeen inay naga caawin doonaan sidii Somaliland ay ula kulmi lahayd xidhiidhada kale iyo ururada ciyaaraha ee qaaradaha iyo caalamiga ah.

 

– In jewigii labaad ee tababarkii heerka caalami ee Garsoorayaasha iyo Tababarayaasha kubadda cagta dalkeena la qaban doono, taas oo xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti ay dhawaan dalka iman doonaa.

 

– In Billadaha kala duwan ee ciyaaraha oo heer caalami ah uu innaga caawin doono nin Talyaani ah oo xidhiidhada Djibouti ka caawiya Billadaha iyo Abaal-marrinada kala duwan ee ciyaaraha.

 

Ugu dambeyntii waxaan ka mahad-celinayaa sidii la noogu soo dhaweeyay wadanka Djibouti, waxaanu aad iyo aad ugu mahad-celinaynaa xidhiidhada kala duwan, naadiyadii iyo dhallinyarada reer Djibouti ee sida qiimaha leh noo soo dhaweysay ee kalgacalka iyo walaaltinimadu ka muuqatay.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here