Somaliland: Aas Qaran oo loo Sameeyey Marxuum Suldaan Xiis Barre + DAAWO SAWIRRADA

0
1330

Hargeysa, (HargeisaPress) — Allaah ha u naxariistee marxuum Suldaan Xiis Bare Yuusuf, ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa maanta, kadib markii uu geeriyooday habeenimadi Jimcaha. Aaska loo sameeyey marxuumka waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno ka socday Golaha Wasiirrada, saraakiil xisbiyada qaranka ka tirsan, xildhibaanno, madax-dhaqameed kala duwan iyo dadweyne badan, iyadoo xabaasha dusheeda lagu caleemo-saaray wiil uu dhalay marxuumku oo la yidhaah Xasan Suldaan Xiis Barre Yuusuf, kaasoo la wareegay cumaamada suldaanimo ee uu banneeyey aabihii.

Madaxda kala duwan, masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka ka qaybgalay aaskaas, ayaa tilmaamay in marxuum Suldaan Xiis Barre ahaa shaqsi fiican oo door weyn ku lahaa hawlaha dhaqanka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kana shaqayn jiray nabadgelyada iyo isku duubnida ummadda Somaliland, iyadoo Ilaahay uga baryey inuu Janatul-fardawsa ka waraabiyo marxuumka.

Aaska Marxuum Suldaan Xiis Barre
Aaska Marxuum Suldaan Xiis Barre

Taariikhda marxuum Suldaan Xiis Barre:

Allaah ha u naxariistee marxuum Suladaan Xiis Bare Yuusuf waxa uu dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1951-kii, isagoo ciidankii Darwiishta ee Soomaaliya ku biiray sannadkii

1970, isagoo marxuumku ka qaybgalay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-kii, halkaasoo uu kala kulmay dhaawac culus oo sababay inuu noqdo hawlgab.

Waxa kaloo uu sannadkii 1980 u wareegay dhinaca degmada Daarasalaam, gaar ahaan degaanka la yidhaah Horahaadlay, halkaasoo uu ku lahaa beer, waxaannu ka mid noqday odayaasha degaankaas, isagoo ka mid noqday aasaasayaasha Degmada Daarasalaam oo uu ka noqday Guddoomiye-ku-xigeen sannadkii 1988, waxa kaloo uu ka mid noqday hoggaamiyeyaashii SNM oo uu ka gaadhay darajada Abaanduule guud.

Markii Somaliland la soo noqotay madaxbannaanida sannadkii 1991-kii, waxa uu ka mid noqday odayaashii ka qaybgalay nabadaynta, iyo hub-ka-dhigistii maleeshiyaadka ee Somaliland.

Waxa kaloo uu noqday guddoomiyaha degaannada waqooyiga Hargeysa sannadkii 2003, iyadoo xilka suldaanimo loo caleemo-saaray sannadkii 2005, xilligaas oo uu ka mid noqday madax-dhaqameedka reer Somaliland, gaar ahaan degaanka Hargeysa.

Shaqsiyada marxuunka:

Allaah ha u naariistee marxuum suldaan Xiis Barre, waxa uu ahaa madax-dhaqameed aftahan ah, kana shaqayn jiray nabadgelyada iyo isku duubnida ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, waxaannu ahaa shaqsi qalbi furan, calool fiican, isagoo suldaanku ifka kaga tagay 47 qof oo isugu jira ubadkiisa iyo awlaada ay sii dhaleen.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here