Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga Oo Canbaareeyay Xayiraadda Labadda TV

0
691

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Urur siyaasadeedka Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta qaranka ee Somaliland ayaa canbaareeyay xayiraadda ay xukuumadu saartay labadda telefishanka ee madaxa banaan ee Horyaal iyo Eryal.

 

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Prof. Cabdisalaan Yaasiin, oo ay wehelinayeen xubno kaloo ka tirsan madasha wada tashiga oo maanta Hargaysa warfidiyeenka kula hadlay ayaa tallaabadii ay xukuumadu ku xidhay labadaas TV ku tilmaamay mid lidi ku ah xoriyadda warbaahinta.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin, ayaa sheegay in xeerka saxaafadda Somaliland uu dhigayo in warbaahintu ay ka mid tahay xoriyaadka aasaasiga ah ee ra’yi dhiibashadda, isla markaana ay ka reeban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinaayo.

Sidoo kale Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa isna tilmaamay in xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ay sidan oo kale cabudhinta saxaafadda u samayn jireen, taasoo muujinaysa sida aan sharciga loo dhaqmin.

Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here