Siyaasiyiinta Gooni U Socodka Ah Iyo Mucaaradka Aragtida Gaaban Ma Shaashayn Karaan Guulaha Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland

0
982

Hargeysa, (HargeisaPress) —RUN IYO RAAD RAAC: Waa  dhambaal  culus oo ku jihaysan Siyaasiyiinta u tafo xaytay  in ay shaasheeyaan guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay geedi socodka Siyaasada Arimaha Dibada Labadan Kooxood oo isku daygoodu yahay in ay  shaki ku abuuraan shacabka S/land  kana hor keenaan Xukuumada Kulmiye   , Anigoo  daaha ka qaadi doona Xeeladaha  Xisbiga Aragtida gaaban ee Wadani oo ku guul daraystay in uu  soo  saaro Murashaxiinta uga qayb galaysa tartanka doorashada Madaxwaynaha   iyo Siyaasiyiin xisbi laawe ah oo Gooni socod ah fikir siyaasiyana  la wadaagin xisbiyada siyaasada Mucaarid iyo Muxaafidba , Inkasta oo Siyaasiinta Gooni socodka ahi ay waqtiyo kala duwan iyo marxalado nololeed oo kala duwan soo wada shaqeeyeen  ilaa maalmihii halganka  hadana Sooyaalkooda Siyaasadeed waxuu ka marag kacayaa  in aanay waligood Jaanta iyo Jiibta isla helin isla markaana ku guul daraysteen in ay fikirkooga mideeyaan , Siyaasiyiintan Afartii Xukuumadood ee dalka soo maray  midna  aanay ka nabad galin, Waa Siyaasiyiin  hadalkooda iyo weedhaha  ka soo burqanayaa  ay ka marag kacayso in ayna dalka iyo dadka midna u tudhayn  waxayna  caan ku yihiin Ceebaynta iyo  Dhaliisha Madaxwaynayaasha .

 

Hadiise  aan u soo noqdo dulucda maqaalkayga Mudo  Shan Sanno ah ayaa laga joogaa waqtigii Madaxwayne Siiraanyo seeska u dhigay Siyaasad furfuran oo xeel dheeri iyo waayo aragnimo siyaasadeed ka muuqato siyaasad la jaan qaadaysa dubolamaasiyada beesha caalamka ee xilligan isagoo Madaxwayne Siiraanyo  wada tashi balaadhan kala yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Madax Dhaqmeedka, Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada oo markaa la furay, Ururada Haweenka, Ururada Dhalinyarada ,Aqoonyahanka  iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada S/land iyadoo ugu danbaystiina   uu ogolaansho sharciya ka helay Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada waxaana hubaala in ay bulshada waynta S/land talaabo talaabo ula socdeen dhacdooyinkaa kor  ku soo xusay .

 

Inkastoo Mucaaradka aragtida gaaban ee Xisbiga Wadani iyo Siyaasiyiinta gooni socodka ahi ee xisibi laawaha ahi u tafo xayteen in ay shaasheeyaan Guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay  geedi socodka Siyaasada Arimaha Dibada isla markaana Shaki ku abuuraan Shacabka S/land  iyagoo isku dayaya in ay iska horkeenaan Shacabka S/land iyo Xukuumada  si ay caqabad ugu dhigaan Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land.

 

Taariikhdu waxay ka marag kacaysaa  Shacabkuna   ka dharagsan yahay in Siyaasiyiintani waqtigaa wada hadalada S/land iyo Soomaaliya  la furayay  ay ka mid ahaayeen Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ay raalina ka ahaayeen Geedi Socodka  Siyaasada Arimaha Dibada S/land .

 

Guulaha  Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land waxaa ka mid ah .

 

1: Shirkii lagu qabtay Dalka Ingiriiska 22/2/2012 Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Shan iyo Konton Dawladood oo Beesha Caalamka ka mida Shirkan oo marti qaad rasmiya ay ka heshay Xukuumada Kulmiye iyadoo Wafti Madaxwayne Siiraanyo horkacayaa ka qayb galeen isagoo Madaxwaynuhu Cod dheer ku gaadhsiiyay Qadiyada Madax Banaanida S/land dhamaan Madaxdii Shan iyo Konton Dawladood  ee ka soo qayb gashay shirkaa ka dhacay Magaalada London waxaana  xusid mudan in Madaxwaynihii Siiraanyo  noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee Darajadaa gaadhsiiya Qaranimada S/land.

 

2 : Mar kale Madaxwayne Siiraanyo waxuu noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee  Xukuumadiisu Aaasaasto ama Yagleesho  Sanduuqa Horomarinta S/land {SDF} oo Deeqo Gargaara toos ahi ay ku soo dhacaan  waxayna marag cad u tahay Guulaha Xukuumada  Madaxwayne Siiraanyo ka soo hooysay Siyaasada Arimaha Dibada waxaana hubaala  in ay Dawladaha Hore u maray ee Deeqda bixiyaa kalsooni ku qabaan qaab xisaabeedka Dawladnimo ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo.

 

3 : Madaxwayne Siiraanyo ayaa noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee  Beesha Caalamka u xaqiijay Madax Banaanida Jamhuuriyada  S/land isagoo Caalamka tusay in Laba Dal oo  Midoobay aynu ahayn  Lixdankii Koonfurta Soomaaliya   ka dib markii Wada hadalo toosa uu la yeeshay  S/land Soomaaliya iyadoo is hor fadhiisteen Laba Madaxwayne oo Maxmiyadii Ingiriiska iyo Maxmiyadii Talyaaniga kala ah iyadoo qodobo muhiima ku hor saxeexeen Madaxda Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Turkiga .

 

4; In kasta oo Dadaalo Waayo Aragnimo Siyaasadeed iyo Xeel Dheeri ka muuqato  Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo u gashay in ay Xaqiijiso Aqoonsi Beesha Caalmka ay ka hesho Jamhuuriyada S/land walina ay sii laban laabayso dadaalkeedii hore  waxaa sida dayax shan iyo tobnaadka u muuqata in Madaxwayne Siiraanyo ku guulaystay in uu u soo jeediyo Kanbaniyada ugu Waawayn  Caalamka in ay Maal gashadaaan Dakada Barbera oo lagu tilmaami karo Aqoonsi Beesha Caalamka S/land ka heshay.

 

Ugu danbayn waxaan Bulsho Waynta S/land ku Guubaabinayaa in ayna dhag u dhigin hadalada ka soo yeedhaya  Siyaasiyiin  gooni socoda  oo Xisbi laawe ah iyo Mucaaridka aragtida gaaban ee Mansabka iyo Kursi jacaylku madax maray in waxaana hubaala ay ku  guul daraysan doonaan in ay  marin habaabiyaan  Shacabka Horomarka iyo Ictiraafku u muuqdo iyadoo hadaladan bilaa tudhaasha ah  ee siyaasiinta gooni socodka ahi uu noqon doonaan  hal bacaad lagu  lisay .

 

 

 

Qalinkii  Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle     

sacadmx@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here