Siyaasi Maxamed Gacayte Oo Ka Hadley Xadhiga Iyo Cabudhinta Lagu Hayo Dhalinyaradii iyo Aqoonyahankii Sida Cilmiyaysan Uga Hadlay Heshiiska Dhutinaya ee Dhaxal Wareejinta Dekeda Berbera.

0
994

Labadii Maalmood ee u Danbeeyay Waxa Xabsiga Loo Taxaabay Tiraba 4qof kuwaas oo dhamaantood Ka Tirsan Dhalinyarada Doraad Hadhimo Sharafeed ka dhacay Hotel KAAH Ku Gorfeyneysay Heshiiska Hordhaca ah ee Khasabka Dadka Lagaga Dhigayo ee DP World. Maxamed Siddiiq Dhamme Afhayeenkii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga Waddani, Sheekh Maxamed Ducaale Iyo Aqoonyahan Mohamoud Ahmed iyo Nuuradiin Diini oo hore loo xidhay  Xadhiga dhalinyaradii madashaa ka hadashay 4 ka mid ah hada way xidhanyahiin.

 

Halka Sidoo Kalena La Baadigoobayo 4Kale. Hadaba Maxamed Gacayte oo arimahaa kaga hadlay qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook ga wuxuu yidhi

 

“Waxaan Cambaaraynayaa Xadhiga, Cabudhinta iyo Cagajuglaynta lala beegsanayo haldoorka dhalinyarada. Waa nasiib daro in xukuumada kulmiye ay god madow ku riday mustaqbalkii dhalinyarada reer somaliland. Markay badhna tahriibisay baaqigii soo hadhayna car juuqdhaha loogu hanjabay intii hadashay ee tidhi waar sidaa ka daayana xabsiyada laga buuxiyay.

 

Cabudhinta xoriyatul qawlka Waa halkii Siyaad Barre Laga raacay halkuu ku danbeeyayna Waa ogtahiin. Walee maanta xukuumada kulmiye ayaa dhabadii cagta saartay. Xadhiga dhalinyarada xukuumada uunbaa wax kula…..!

 

Waanu kasoo horjeednaa in qof muwaadin ah xuquuqdiisa lagu gafo. Waa fool xumo in suuqa laga qafaasho sifo sharci daro ah lagu xidho warqad la,aan. Waxaanu leenahay xoriyadoodiI haloosoo celiyo side ugu dhakhsaha badan. Hadii kale waxa iman doona kacdoon dhalinyaro wixii Masar ka dhacay waa la ogaa miidaamu taxriir. Waxaan leeyahay xukuumadu haka waantowdo dhaqana noocan ah haka waantowdo talaabo kasta oo sharciga baal marsan inay ku dhaqaaqdo si aanay nabadgalyo daro u iman. Waxaan kusoo koobayaa Xukuumadu Nabadgalyada Ha Ilaaliso”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here