Sidee bey kharidada Siyaasadda Somaliland isu beddelaysa Haddi aqlabiyadda Garabka isbaheysiga Musharaxiinta Madaxweyne ee Kulmiye ku biirto Xisbiga Waddani ?

0
918

HargeisaPress — Ayaamahan waxa saxaafadda madax bannaan qaada dhigeysay in wada hadal uu socdo garabka isbaheysiga musharaxiinta madaxweyne ee kulmiye iyo xisbiga waddani taaso culeys iyo wer wer badan ku abuurtey xisbiga kulmiye iyo xukuumadisa kuwaaso dheg jalaq u siin waayey baaqyadi faraha badnaa ee uga imanaayey garabka isbaheysiga iyotaageerayaashooda in dib loo dhigo shirka golaha dhexe ee kulmiye si loo xaliyo tabashooyinka ay tabanayaan.

 

 

Waxana la wada ogg yahey in xubnaha garabka isbaheysiga ku jira ay yihiin labeenti iyo maskaxdi xisbiga kulmiye haddey yihiin shir guddoonki golaha wakiilada ,aqlabiyaddi golaha wakiiladda kulmiye iyo xubnihi wasiiradda ugu tuunka weyna uguna shacbiyadda badnaa ,arrintaaso dhaawac weyn gaadhsiisey sumcadda dawladda Silaanyo oo dhulka gashey markey iska casileen tirada xubnaha wasiirada intaa leeg .

 

 

Haddaba xisbiga waddani oo lagu dhaliili jirey in xubnihisa sare iyo taageerayaashisu ‘uu badan yihiin degaano gaar ah oo S/L aya isbaheysigan uu noqanaya shimbir waqti fiican ilaahey uu soo direy madaama ay ka kooban yihiin degaanada Somaliland oo dhan.

 

 

Waxaa xasuus mudan waqtigi kulmiye mucaaridka aha in xoogag badan oo mucaarid ahi ku soo biireen xisbiga kulmiye sida ururki Qaran, isbadal doonki Udub iyo xoogag kalo siyaasadeed oo madax bannaan ,taaso kor uga qaadey xisbiga kulmiye xaaladdi jaha wareesaneyd ee uu ku jirey ee sababtey kala jabki iyo khilaafki ka dhex dhashey shirki golaha dhexe ee Burco lagu qabtey , misaan culus oo siyaasadeedna kuso kordhisey isla markaana geyeesisey inu guushi madaxtinimada dalka hanto .

 

 

Sida si la mid ah aya la filayaa in haddi arrintani dhabowdo (ku biirista waddani ee garabka isbaheysiga kulmiye) in mucaarid badan oo madax bannaan kuso hiran doonaan xisbiga waddani si ay talada waddanka uga tuuraan xisbiga kulmiye doorashada soo socota maadaama taageerada xisbiga kulmiye uu maraayo heerki ugu hooseyey abid inti uu doorashada ku guuleystey 2010 .

 

 

Alla mahad leh,
Eng Bashe Cabdi Gaboobe .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here