SIDEE LOO BAAJIN KARAA DILKA UU SABOBO KHILAAFKA DHULKU? DOOD FURAN

0
990

Qormadan Waxay Noqon Doontaa Taxane Aynu Ku Lafo Gurro Dhibta  iyo dilalka Uu Sabobo Muranka Dhulku, iyo sida xal kama dambays ah loogu heli karo mashkaladan soo noq noqotay.

GOGOL DHIG.

Jamhuuriyada Somaliland ayaa hadda 24 jirsatay, waxayna soo martay marxalado kala duwan oo leh dhinac kasta .

Burburkii dhaqan-dhaqaale ee ku habsaday dadka reer somaliland, waxa laga Dhaxlay dhibaatooyin sida folkaanaha hoosta ka shidan oo kolba dib u qarxa, Geystana khasaare dhimasho iyo burbur hantiyeedba yeesha. waxase dhibta ugu weyni ka taagan tahay, dhimashada ugu badanina ka timaadaa waa muranka iyo khilaafka lahaanshaha dhulka, gaar ahaan magaalooyinka.

Arinta dhulka ee noqotay aafada weli aan xalka loo helin, bal aan ku xasuusiyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee uu sababay muranka dhulku.

Dhacdadii warshadii hargaha iyo Saamaha, oo ay dad shicib ahi weerar ku soo qadeen ciidamada qaranka ee halkaa degen, Kuna  naf waayeen 4 Askari oo kamida ciidanka qaranka ah.

dhawaan ayaa haddana, muran dhul Ku yaalla MASALAHA,  waxa ku naf waayay hal qof.

Dhacdadii sedexaad ayaa ahayd muran dhul ku yaalla Agagaarka Kantaroolka galbeedka hargaysa, halkaas oo ay ku naf waayeen seddex Askari oo ka mid ah ciidanka booliska somaliland, kuwaas oo ay gaysteen  dabley isa soo abaabushay oo sheeganaysay lahaanshaha dhulkaasi dilku ka dhacay.

dhacdooyinkani waa kuwii ugu dambeeyey, balse dilalka dhulku intaas kuma koobna.

Aragnay oo dhibtii dami weyday, dilkii dhulkuna joogsan waa oo weli xal kama dambaysa la heli waa, su,aalaha is weydiinta lihise waxay yihiin:

 

  • Ma xeer baan weli laga yeelan khilaafka lahaanshaha dhulka?
  • Haddaanse xeer ka leenahay oo uu yaallo, ma fulintiisa ayaa weyd ah oo aan sideedii loogu dhaqmin?
  • Ma garsoorka ayaa ah mid eex iyo caddaalad la,aan dhalinaya? haddiise Garsoor xumo jirto, maxaa u sabab ah?
  • Ma xeerarka aynu dhiganay ayaan la korin, duruufaha iyo waayaha dhabta ah ee bulshadu ku sugan tahay?
  • Mise innaga ayaa qarada damiirkeenu dadnimo qafiiftay oo aan wax is Qabanaya iyo wax qawaaniin u hoggaansamayaa innagu jirin ?
  • Mise weli waxaynu taagganahay halkaynu joognay markii geella aan kala Dhici jirnay ee xeerkeenuba ahaa xoogga iyo itaalka?

 

Xalka

Talo rag kama dhammaato’e, anigu waxan xalka u arkaa in  labadan qodob ee hoos ku yaalla lagu baajin karo dhiiga iyo dhagarta uu sababo muranka lahaanshaha dhulku.

 

  1. Laba qof oo isku haysta lahaanshe dhul, haddii midkood uu wax ku dilo dhulkii uu ku dacwoonayey, sidaas ayuu kaga wareegayaa dhulkii uu ku dacwoonayey, isla markaana uu ugu wareegayaa ciddii kale ee ay isku hayeen oo ay ku yeelanaysaa.

 

  1. labada dhinac ee dhulka isku hayaa, hadday isa soo hor fadhiisiyaan dabley hubaysan, waxna ay ka dilaan ciidamada amniga ee kala dhex galay, labada qoloba sidaas bay ku waayayaan sheegashadii iyo lahaanshihii dhulkaasi. dhulkaasina waxa uu ku wareegayaa ciidanka la dilay qoysaskoodii.

 

Male rag waa dhawrtee, bal adna sidaad xalka u aragto nala wadaag.

FADLAN ARAGTIDAADA KUSOO DIR EMAIL;

Sharciyadadhulka@gmail.com

ARAGTIDII; MUWAADIN ILYEES YUUSUF CILMI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here