Madaxda Afrika Oo Shir looga Hadlay Arrimaha Haweenka iyo Dhaqaalaha Afrika Uga Furmay Johannesburg + SAWIRRO

0
1146
JOHANNESBURG,   (HargeisaPress) — Hay’adda Afrika u Qaabilsan Is-kaashiga iyo Horumarinta ee NEPAD ayaa kulankeedii 33-aad uga furmay Magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, Shirka ayaa waxaa si Wadajir ah uga Qayb-galay Guddoomiyaha NEPAD oo ah madaxweynaha dalka Senegal, Macky Sall, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma.
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe

Kulankaan oo looga Hadlay Arrimaha Haweenka iyo Dhaqaalaha Afrika ayaa iyadoo ugu horreyn uu furay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inay ku marti-galiyaan shirka Midowga Afrika Koonfur Afrika lagu qabto markii labaad, isagoo xusay in NEPAD ay illaalinayso riyada dhaqaale iyo horumarineed ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Midowga Afrika
Guddoomiyaha Midowga Afrika

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo ka hadlayay madasha ayaa sheegay in Afrika ay u is-taagtay midnimo loona baahan yahay NEPAD in ay ka Shaqeyso Sidii ay Qaaradda Afrika wax u soo Saaran lahayd, Afrikaankuna ay Waxa ay Gacantooda ku soo saartaan u Isticmaali lahaayeen. Isagoo intaa ku daray in Shirkan Midowga Afrika uga socda dalka Koonfur Afrika lagu mideysan yahay lagana shaqeenayo is-dhexgal buuxa oo ay dowladaha Afrika yeeshaan.

Madaxweynaha dalka Senegal ahna guddoomiyaha NEPAD, Macky Sall ayaa isna sheegay in NEPAD ay Higsaneyso sidii ay Qaaradda Afrika u noqon lahayd mid dhaqaalaheeda iyo kheyraadkeeda ku filan yahay, iyadoo la kaashanayo cid kasta oo taageero ka geysan karta. Mashruuca Xilligaan la wadana waa Barnaamij loogu Talo-galay in Haweenka Afrika lagu Horumariyo, kaasoo ay maal-gelinayso dowladda Spain.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma

Waxaa kulanka kaddib warbixin siiyay Saxaafadda Dr. Ibraahim Mayaki oo ah madaxa ugu sarreeyo hay’adda NEPAD, isagoo ka warbixiyay Waxqabadkii iyo Weliba Qorshaha uu ku Saabsanaa kulanka 33-aad ee madaxda Qaaradda Afrika ee NEPAD, kasoo Muhiimadiisu ahayd in looga hadlo Arrimaha haweenka oo ajandaha koowaad ka ah shirka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here