Shirweynihii Xisbiga WADANI oo maanta Furmay iyo loollan adag oo musharaxiinta u dhexeeya + SAWIRRO

0
1225

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shir-weynihii Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, ayaa maanta ka furmay hoolka weyn ee hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

 

Shir-weynahaan, ayaa dhawr jeer oo dib u dhacay si loo xaliyo muramo xisbiga dhexdiisa ka jiro, isla markaana loo yareeyo khilaafyadda ka dhalan kara shirkan golaha dhexe oo lagu dooran doonno hogaanka sare ee xisbiga, gudda fulinta iyo musharaxiinta madaxweynenimo ee xisbigu yeelan doonno.

20161019636124428743599058golaha44

Shirkan ayaa lagu dooran doonna musharaxa madaxweynaha ee xisbiga uga qaybgali doonno doorashadda soo socota, waxaana jagadaasi u sharaxan C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, halka musharaxa madaxweyne ku xigeenka ku hirdamayaan laba siyaasi oo kala ah gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Axmed Mumin Seed iyo  siyaasi Maxamed Cali Aw Cabdi, kuwaas oo loolanka ugu culusi dhexmari doonno, waana laba siyaasi oo labadduba ka soo jeedaan gobolka Awdal saameyna ku leh gobolkoodda, gaar ahaan gudoomiye ku xigeenka xisbigu Axmed Mumin Seed waa siyaasigii xisbiga geeyey gobolka Awdal, isla markaana dagaalka badan u gallay wakhktigii uu xisbigu ka soo baxayey ururaddii la kala reebayey ee uu ka mid noqonayey saddexdda xisbi ee soo baxay.

 

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxa saaxadda siyaasadda Somaliland laga dareemayey tartanka dhexmari doonno labadan siyaasi, inkastoo la isku dayey in dibadda lagu dhameeyo oo hal qof uun iskugu soo hadhaan, balse nasiib xumo taasi ka dhicin, isla markaana wax tanaasul ahna midkoodna ma samayn.

 

Dadka Siyaasada orodosa ayaa waxay Tilmaameen in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro uu isagu taageersan yahay musharax madaxweyne ku xigeena la doonayo Maxamed Cali, haseyeeshee guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed ayaa isaguna ku adkaystay inuu tartankaasi ka qaybgallo oo uu ku samro wuxuu calafkiisu u gooyo, maadaama oo uu tirsanayo inuu isagu salka u dhigay xisbigan.

cir

Dhinaca kale, wakhtiyadda shirweyneyaasha xisbiyada la gallayo waxa caado ka noqotay in garabyo ka soo jabaan, waxaana xisbiga taladda haya isha ku hayaa shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga WADANI oo uu saadaalinayo inay dhici doonto inay garabyo ka soo jabaan, isla markaana uu xisbigoodu u gacan haadin doonaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, haddii shirweynahan sidii la rabay u dhaco oo hadba ka laga badiyey ka cadhoon xisbig waxay u noqonaysa guul uu gaadhay, haseyeeshee haddii siyaasiyiinta qaarkood qaabka shirku u dhacay ka biyo diidaan waxay fursad fiican u tahay xisbiyadda kale oo mar walba sugaya inay helayaan dad ka soo cadhooday shirweynaha, waxaana la dhawrayaa labadda siyaasi kii ay guushu ku raacdo shirweynaha ee ku guulaysta musharaxa madaxweyne ku xigeenka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here