Shirkii Wadatashiga Arrimaha Doorsashada Soomaaliya oo Aan Weli Furmin

0
1334

Muqdisho (Hargeisa Press) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo doceedyo hordhac u ah shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay kulamo la qaatay madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimu, ayaa sheegay in kulankan uu hordhac u yahay furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka Soomaaliya oo uu guddoomin doono Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Sida qorshuhu ahaa waxaan rajeynaynay in uu furmo Shirkii Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka khamiistii shalay. balse cillado dhanka farsamada ah oo qabsaday imaanshaha Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Puntland ayaa dib u dhaca keenay, sidaas darteed Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu kalan ku maamuusay Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo soo gaadhay Caasimadda.” ayuu yidhi Macallimu.

Shirkan oo qorshuhu ahaa inuu furmo Khamiistii shalay ayay u egtahay inuu si rasmi ah u furmi doono Sabtida berri ah, waxaase suaalo la iska weydiinayaa waxa shirkan uu kaga duwanyahay shirarkii hore ee doorashada ee guul darreystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here