Falastiin iyo Israa’iil oo Gaadhay Heshiis Xabad Joojin Ah

0
1038

Qaza (Hargeisa Press) – Falastiin iyo Israa’iil, ayaa heshiis xabbad joojin ah ka gaadhay dagaalki Qaza ka billaabmay 11-kii bishan May ee uu ka dhashay khasaara naf iyo maalba leh.

Xabbad joojinta, ayaa bilaabmatay gelinkii hore ee Jimcaha maanta ah. waxaana woxogaa xasilooni ah laga dareemay Qaza iyo Israel.

Golaha wasiirrada Israa’iil, ayaa xaqiijiyay inay heshiis xabad joojin ay la gaadheen Falstiiniyiinta si dagaalka tobanka maalmood socday loo joojiyo.

“Golaha amniga siyaasaddu waxay si aqlabiyad leh u aqbaleen soo jeedintii dhammaan saraakiisha amniga, amniga gudaha (Shin bet), amniga dibadda (Mossad), iyo madaxa golaha amniga qaranka, ee ahayd in la aqbalo hindisaha Masar ee xabbad joojinta shuruud la’aanta ee labada dhinac ah oo goor dambe hirgeli doonto” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay golaha wasiirrada Israa’iil.

Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo wakaaladda wararka ee AP u warramay, wuxuu saheegay xabbad joojinta ay Israa’iil ku dhawaaqday ay ka dhigan tahay ‘guul’ shacabka Falastiin u soo hoyatay iyo guul darro soo gaadhay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Banjamin Natanyahu.

Cali Barakeh, wuxuu sheegay inay maleeshiyaadka Xamaas ay feejignaan ku jiri doonaan ilaa ay dhexdhexaadiyeyaashu ay dhammeystiraan faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta iyo meel markiisa intaba.

Wararka waxay intaasi ku darayan marki ay Israa’iil xabbad joojinta ku dhawaaqday wax yar un kaddib milateriga Israa’iil waxay sheegeen in Koonfurta Israa’iil laga maqlayay digniinaha gantaalaha dhanka Qaza laga soo tuurayo.

Warbaahinta Falastiiniyiiintana waxay sheegay inay diyaaradaha Israa’iil duqeyma horleh ka billaabeen marinka Qaza.

 Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, wuxuu isna xaqiijiyay dagaalka Israa’iil-Qaza in xabbad joojin laga gaadhay. Wuxuuna markale sheegay Mareykanka inuu Israa’iil taageerayo si ay isaga difaacdo kooxaha aragagixisada ah.

Biden, wuxuu intaa ku daray Mareykanka oo kaashanaya qaramada Midoobay inay ka go’an tahay sidi gargaar bani aadaminimo loo gaadhsiin lahaa Qaza iyo inuu ka qayb qaato dadaallada loogu jiro dib u dhiska deegaannadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here