Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Lagaga Dooday Amaanka iyo Xeerka Dhulka

0
974

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta ayaa lagaga dooday arrimo la xidhiidha amaanka iyadoo warbixin laga dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha iyo  siyaasadda qorshaynta dhulka danta guud.

Shirkan oo ahaa kal-fadhigii 32-aad ee golaha wasiirradda  Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenkiisa  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici).

WAR-SAXAAFADEED: 04 /04/2019

Kal-fadhigii 32-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Oo Lagaga Dooday Qodobbo Muhiim ah.

Kal-fadhigii 32-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2019, waxa  lagaga dooday arrimo badan oo salka ku haya danta bulshada.

Waxa warbixin lagaga dhegaystay  wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha  Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaaladda amni ee dalka iyo muhiimadda ay leedahay adkaynta xasilloonidu.

Sidoo kale waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey nuqullada siyaasadda dhulka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta oo muhiimad weyn u leh guud ahaanba bulshada reer Somaliland.

Ugu dambayntii waxa ay  golaha wasiirradu ku dheeraadeen diyaargarowga qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh oo saaxiibada  Somaliland ee beesha caalamkuna danaynayaan inay xilligeeda ku dhacdo, xukuumaddana ay  ka go’an qabashada doorashada.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here