Shirkadda Telesom oo Dhisme Cusub oo Labaad u Dhistay Jaamacadda Hargeysa + SAWIRRO

0
1091

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirkadda Telesom ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Jaamacadda Hargeysa dhisme cusub oo loo dhisay Jaamacda. Munaasibada xadhiga looga jaraayey dhismaha Jaamacada ayaa lagu qabtay isla dhismaas cusub hortiisa.

IMG_3343.jpg

Munaasibadan waxaa ka soo qayb-galay gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi  X.Gaas, Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Hargeysa Maxamed Cali Xirsi, Gudoomiye ku-xigeenka Waxbarashadda Jaamacada Hargeysa Cabdisalaan Yaasin, Xubin Guddida Boodhka Jaamacada ka Mid ah Suldaan Axmed Daahir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Waxbarashadda Abiib Axmed Cali, Madaxda  Waaxaha Sales-ka,  Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom.

IMG_3332.jpg

Ugu horayn Munaasibadan waxaa ka hadlay Gudoomiye Ku-xigeenka Waxbarashadda ee Jaamacadda Hargeysa waxaanu sheegay in maanta

la furaayo Daar ay shirkadda Telesom u dhistay jaamacadda oo dhinac ay shirkaddu ka isticmaalayso iyo dhinacna ay jaamacadu ka isticmaalayso. Gudoomiye ku-xigeenka Jaamcadda ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay hore uga dhistay Jaamacadda Hargeysa dhisme weyn oo hore haddana ay ku soo kordhisay dhisme kale oo weyn oo ay isticmaali doonaa kuuliydda daraasaadka sare ee Jaamacadu.
IMG_3305.jpg

Waxaa isaguna ka hadlay xafladan xadhiga lagaga jaraayey dhismahan cusub Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah boodhka Jaamacadda Hargeysa waxaanu mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom waxaanu yidhi, “Marka hore waxaan salaamaayaa ciddii hawshan soo agaasintay iyo shirkadda Telesom oo qiimo weyn ugu fadhida waddanka oo wax badan gashatay dhinac walba kolka laga eego ay tahay shirkad ficlan la wadda leeyahay oo horumarka iyo kolba dhinacii wax looga baahdo wax ka qabata aad baan u salaamayaa madaxdeeda iyo mijaheedaba”.

Suldaan Axmed Daahir ayaa sheegay in baahida Jaamacada Hargeysi ay sii kordhaysa waxaanu tilmaamay in tiradda ardayda Jaamacadda dhigataa ay sii cagacagaynayso ilaa todoba kun oo arday, waxaanu soo jeediyey in lala socodo baahida jaamacada maada ay waxbarashadu tahay waxaynu caalamka kula tartamayno.

IMG_3308.jpg

la furaayo Daar ay shirkadda Telesom u dhistay jaamacadda oo dhinac ay shirkaddu ka isticmaalayso iyo dhinacna ay jaamacadu ka isticmaalayso. Gudoomiye ku-xigeenka Jaamcadda ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay hore uga dhistay Jaamacadda Hargeysa dhisme weyn oo hore haddana ay ku soo kordhisay dhisme kale oo weyn oo ay isticmaali doonaa kuuliydda daraasaadka sare ee Jaamacadu.Waxaa isaguna ka hadlay xafladan xadhiga lagaga jaraayey dhismahan cusub Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah boodhka Jaamacadda Hargeysa waxaanu mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom waxaanu yidhi, “Marka hore waxaan salaamaayaa ciddii hawshan soo agaasintay iyo shirkadda Telesom oo qiimo weyn ugu fadhida waddanka oo wax badan gashatay dhinac walba kolka laga eego ay tahay shirkad ficlan la wadda leeyahay oo horumarka iyo kolba dhinacii wax looga baahdo wax ka qabata aad baan u salaamayaa madaxdeeda iyo mijaheedaba”.Suldaan Axmed Daahir ayaa sheegay in baahida Jaamacada Hargeysi ay sii kordhaysa waxaanu tilmaamay in tiradda ardayda Jaamacadda dhigataa ay sii cagacagaynayso ilaa todoba kun oo arday, waxaanu soo jeediyey in lala socodo baahida jaamacada maada ay waxbarashadu tahay waxaynu caalamka kula tartamayno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here