Shirkadda Diyaaradaha Ee Ethiopian Airlines oo Sheegtay In Aanay Joojindoonin Duulimaadyada Shiinaha

0
1025

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Madaxa Shirkadda Diyaaradda Itoobiya, ET Tewolde Gebremariam ayaa sheega joojinta duullimaadyada Shiinaha in ayna ahayn xalka lagula dagaallamayo caabuqa coronavirus.

Isaga oo ka hadlayay shirka 5-aad ee Duulista Hawada oo lagu qabtay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, Gebremariam wuxuu sheegay in walaaca faafida coronavirus aanu hor istaagi doonin duullimaadyada tooska ah ee loo tago Shiinaha.

Sida ku xusan awaamiirta Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), joojinta duulimaadyadu jawaab ma’aha. “Go’doominta Shiinaha  ma aha wax caddaalad ah, ”ayuu yidhi Gebremariam.

Si kastaba ha noqotee, cudurka coronavirus ayaa saameyn iyo waalaac ku abuuray  shirkadaha duullimaadyada ugu waa weyn qaaradda Afrika ee leh in ka badan 120 duulimaad caalami ah.

“Waxaan la kulanay hoos udhac 20 boqolkiiba baahida duulimaadka. Waa naxdin weyn, ayuu yidhi,” Gebremariam.

Hadalka Mr. Gebremariam wuxuu yimid xilli Ururka Caalamiga ah ee Duulista Hawada (IATA) uu saadaaliyay in $ 29 bilyan oo dollar ay lumindoonaan shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah, taasoo ah 4.7% hoos u dhac ballaadhan dakhliga rakaabkiiba.

Arrintan ayaa waxay ugu wacan tahay dillaaca coronavirus. Hay’ada IATA waxay sheegtay in diyaaradaha Afrikaanka ay arkidoonaan khasaaro dhan $ 40 milyan.

Bishii la soo dhaafay, Kenya Airways iyo RwandAir waxay hakiyeen dhammaan duulimaadyadii ay ku tagayaan kana imaan jireen Shiinaha illaa amar dambe.

 

Hargeisa Press Desk /Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here