Shirkada SOMCABLE, SO Gasho Oo Daahfurtay Adeeg Cusub Oo Bulshada Usahlaya Waxbarashada Iyo In Ay Shirarka Muuqaal Ah Yeeshaan.

0
651

Hargeysa,(HargeisaPress)—Shirkada somcable iyo qaybteeda sogasho ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo bulshada reer Somaliland ufudaynaya in ay guryahooda jooga waxbartaan shirkadaha ganacsigu ay ku shaqaysan karaan.

Sidoo kale adeegan ay soo bandhigtay shirkada somcable so gasho ayaa waxaa iyana ka faa,iidaysan kara dawlada oo shirarka si muuqaalka ah ku gali kara.

Munaasibada ay shirkada Somcable so gasho soo bandhigaysay ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirada waxbarashad,ganacsiga iyo isgaadhsiinta iyo technolajiyada jsl iyo qaarkamid ah masuuliyiinta shirkadaha dalka.

Waxaana ugu horay sharxaad kabixiyay adeega ay shirkadu daahfurtay masuuliyinta shirkada somcable So Gasho oo ku dheeraaday faa,iidiisa iyo ujeedada shirkadu ka leedahay si ay shacabkeeda ugu faa,iidayso mudada lagu jiro ka diyaar garowga xanuunka coronavirus oo sobobay gabi ahaanba in la xidho goobihii waxbarasho,xafiisyada dawlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here