Shirkada Duulimaadka ee African Express Airways oo noqotay shirkada uga tayada iyo adeega fiican Somaliland

0
1833

Hargeya,(HargeisaPress) — Shirkadda Diyaaradaha ee African Express Airways xafiiskeeda Hargeisa, ayaa dib u habeyn casri ah kuugu sameeyay adeega duulimaadka shirkadda oo afar maalmood ugu kala gooshta Hargeysa, Nairobi iyo Muqdhiso todobaad kasta. Maamulka gagada caalamiga ah ee Cigaal International Airport ayaa amaan iyo Mahadnaq gaar ah u jeediyay adeegyada hufan iyo shaqo-wanaaga shirkadda African Express Airways ay u ka hirgalisay gagada diyaaradaha ee Hargeysa iyo dhamaan rakaabka boqolaalka qof ah ee ku duula African Express isbuuc walba sida uu ku sheegay warbixin kooban maamulka shirkadda African Express Airways ee Hargeysa.

Maalmaha Dulimaadka shirkadda-African-Express-Airways

Isniin kasta Nairobi ilaa Hargeysa
Saalasa kasta Hargeysa ilaa Nairobi
Khamiis kasta Nairobi ilaa Hargeysa
Jimce kasta Hargeysa ilaa Nairobi

Sida muuqata, shirkadda African Express Airways waxa ay saameyn laxaad leh iyo horumar la taaban karo ka sameeysay loolanka tartan ee loogu jiro fursadaha suuqeynta ee shirkaddaha dulimaadka diyaaradaha ee soo caga-dhigta gagada caalamiga ah ee Cigaal – Hargeysa, taas oo mudooyinkii ugu dembeeyayba shirkadda African Express Airways ay hogaanka u hayso.

 

Tayada Saraakiisha iyo Hawl-wadeenada Shirkadda African Express Airways

Shirkadda African Express Airways – xafiiska Hargeysa, ayaa waxa uu ku guulaystay nidaamka tayaynta saraakiisha iyo hawl-wadeenada iyada oo fursado qaali ah shirkaddu u heshay in ay ka mid noqdaan xeel-dheerayaal aqoon iyo khibrad sare u leh maamulka, maaraynta iyo hawl-galka shaxaynta shaqo iyo adeeg bixinta la xidhiidha dhinaca dulimaadyada diyaaradaha, saraakiishaas oo intooda badan ku soo diyaariyeen tacliintooda waxbarasho dalalka dibadaha sida Maraykanka, UK, India, Malaysia iyo Pakistan.

Shirkada Duulimaadyada African-Airweys ayaa kamid ah duulimaadyada ugu fiican ee dhinaca rakaabka iyo kaarkoogaba,sida joogtada ah ugu gooshaan shacbiga Reer Somaliland,inta ugu badan ee Ganacsatada iyo Rakaabkaba, iyadoo xarumo waaweyn kuleh dalalka Afrika,iyo Imaaraadka Carabta,waxaaney kamid tahey Duulimaadyada ugu fiican ee had iyo jeer ku wanaagsan dhinaca Amaanada, Ilaalinta agabka, iyo habsami usocdka nidaamka shaqada Xafiiska, ee adeega dadweynaha iyadoo qorshaheedu nidaamka fiican kusocdo inta badan.

Wixii Faafaahin ah kala xidhiidhi Xafiiska Weyn ee Shirkada Duulimaadyada African-Airweys ku leedahay Magaalada Hargeysa,khusuusana telefoonada 0634108410, ama 0634420097, ee Xafiiska ay Hargeysa ku leedahay African-Airweys oo kuyaala dhinca Bari ee Huteelka Gargaar. Booqo  http://www.africanexpress.net/

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here