Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya oo Diblomaasiyad Qabaw Kaga Jawaabtay Go’aankii ka soo Baxay Kenya

0
815
Farmaajo iyo Uhuru

Muqdisho,(HargeisaPress)—Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya, ayaa jawaab ku salaysan diblomaasiyad qabaw ka bixisay go’aankii adkaa ee ay dowladda Kenya dib ugu yeedhatay Safiirkeeda ka jooga Muqdisho, halka sidoo kale Safiirka Soomaaliya lagu wargeliyey inuu u baxo dalkiisa.

Qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay Wasaaradda Khaarajiga Kenya oo saxaafadda loo soo bandhigay maanta, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay weli sugayso go’aanka ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ (International Court of Justice) ka soo saari doonto goobaha biyaha badda ee ay ku muransan yihiin dalalka Kenya iyo Soomaaliya, sidaa darteedna aanay dhul-badeedkaas meelna kaga darin khariidada lagu muujiyey goobaha shidaalka ee xogtooda lagu soo bandhigay shirkii ka qabsoomay magaalada London ee dalka Ingiriiska 7 February 2019.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si asluubeysan sharraxaad u siineysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya, waxayna uga jawaabeysaa warqad ku taariikhaysan 8-dii February 2019-ka, taasoo Dowladda Kenya kaga dhiidhiday (kaga cabatay) khariidadda dhul-badeedka ay Soomaaliya soo calaamadaysatay ee ay shidaalka ku jira ugu suuq-gaystay shirkii ka dhacay magaalada London 7 February 2019,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Soomaaliya.

Waxaannu qoraalku intaas raaciyey; “Waxaan ka war qabnaa oo aan ognahay in Kenya ay sharci-darro u aqoonsatay meelaha ay Soomaaliya ka calaamadsatay dhul-biyoodka, ayna sheegtay in dhulkii lagu muransanaa saliiddiisa la iibiinayo. Guud ahaan dhulka hadda shidaalkiisa la iib-geeyey waa mid ka tirsan biyaha badda ee ay sida saxda ah u leedahay Soomaaliya, dowladduna waxay xaq u leedahay inay difaacdo madaxbannaanideeda iyo dhulkeeda. Intaas waxaa sii dheer in dowladda Soomaaliya aanay marna iib-geyneyn, qorshahana ugu jirin dhul ka mid ah xadka lagu muransanyahay, ilaa inta ay go’aan cad kasoo saareyso Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ (International Court of Justice), taasoo uu hor yaallo kiis ku saabsan arrintan.”

“Dowladda Soomaaliya waxay ka qoomameyneysaa, isla markaana ay si xooggan uga xuntahay hadalkii kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsanaa eedeynta ah; ‘In Soomaaliya ay iib-geysay saliid ku jirta dhul ay Kenya leedahay Soomaaliya.’ Waxay sidoo kale ka qoomameyneysaa go’aankii ay Kenya ku dalbatay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya, iyadoo aan wax wada-tashi ah lala yeelan dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Soomaaliya.

Waxa kaloo uu Maamulka Muqdisho sheegay in xidhiidh adag ka dhexeeyo bulshada labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, sidaa darteed ay diyaar u yihiin in si wada-jir ah looga shaqeeyo khilaafkan.

“Bulshooyinka Soomaaliya iyo Kenya waxay wadaagaan oo ka dhexeeya xidhiidh xooggan oo dhaqan iyo taariikh ah, cillaaqaadkaas oo aanay wax saamayn ah ama khatar ah ku keeni karin nooc kasta khilaafaad ah oo ka dhex dhaca labada dhinac, sidaa darteed Dowladda Soomaaliya waxa ka go’an in la sii wado, lana sii adkeeyo sidii wada-shaqaynta naga dhexaysa walaalahayaga Kenya, iyadoo ay muhiim tahay in si adag looga wada shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha khilaafka ah ee soo waajaha labada dal ama Gobolka oo dhanba,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay Soomaaliya, ayaa jawaab u ah qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya maalintii Sabtida, kaasoo dowladda Kenya ka cadhootay xogta shidaalka ay Soomaaliya ku soo xaraashtay magaalada London ee dalka Ingiriiska taariikhdu markii ay ahayd 7 February 2019 in lagu daray goobo shidaal oo ku yaal dhul-badeedka Kenya leedahay ee u dhaw xadka ay la leeyihiin Soomaaliya.

safiirka Kenya u jooga Muqdisho

“Tallaabadani waa arrin aan la aqbali karin oo la doonayo in lagu boobo ama xado khayraadka Kenya leedahay, mana noqon doonto tallaabo aan laga jawaabin oo sidaa la iskaga dhaafayo, waxayna la mid tahay falal gardarro iyo xad-gudub cad ku ah bulshada reer Kenya iyo khayraadka dalkoodaba,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Waxaannu qoraalku intaas ku daray; “Dalka Kenya waxa uu u diyaarsan yahay, isla markaana uu diyaar u yahay inuu difaaco isku-duubnimada dhul ahaanta Kenya, wax kasta oo ay arrintaasi ku kacaysaba, iyadoo uu dalka Kenya u arko, una aqoonsan yahay cid kasta oo si toos ah iyo si dadban ugu lug yeelata ama ku soo xad-gudubta qarankaya in ciddaas tahay cid cadaw ku ah qaranka Kenya.”

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Mr Macharia Kamau, ayaa sheegay inay qoraallo kala duwan oo cabasho iyo ashkato ah u gudbiyeen madaxda Soomaaliya ka hor intii aannu dhicin shirka lagu xaraashay xogta kaydka shidaalka Soomaaliya ee lagu daray goobaha ku yaal gudaha xadka Kenya, balse ay masuuliyiinta sare ee Soomaaliya arrintaas iska indho-tireen, sidaa darteed ay dowlad ahaan u arkaan inuu yahay go’aan badheedh ah oo ka dhan ah hantida qaranka Kenya.

jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here