Shirka Dib U Heshiisiinta Ee Uu Ku Baaqay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Iyo Tilmaamihii Taladii Iyo Toosintii Shacabka Ee Suldaan Cabdikariin Farax (Dulmi Diid).

0
850

Waxaynu ognahay in dalka somaaliya ay ka jiraan colaado iyo khilaafyo baahsan wakhti aad u dheer…..Waxaynu ognahay in dhamaan maamul goboleedyadii intii Dowladan hada jirtaa wadanka ka talineysay la dhisay  ay dhamaantood dhaafiwaayeen hoolkii lagu aasaasay………………………….

 

Waxaynu sidoo kale ognahay in sababta ay maamuladaasi u hirgali waayeen una gaadhi waayeen dhamaan deegaanadii loogu talo galay ay koow ka tahay  in marka horeba lagu dhisay salfudeyd iyo damac siyaasadeed oo daaran saddex ujeedo…………………..

 

Ujeedada koowaad

Waxay daaran tahay rabitaanka dowladaha shisheeye ay ka leeyihiin soomaaliya………………………..

 

Ujeedada labaad

Waxay daaran tahay Rabitaanka siyaasiyiin kartida yar oo kaligood noolaadayaal ah…………………………………….

 

Ujeedada sadexaadna

Waxay daaran tahay duufaan qabyaladeed iyo durbaan loo garaacay shacabka jaaha wareersan ee aan dareen saneyn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta soomaaliya………………..

 

Talo Soo JEEDIN

Arimaha kor Ku xusan dartood waxaan talo kusoo jeedin lahaa in maamulka laga dhisayo shabeelada dhexe iyo gobolka hiiraan inta aan la dhisin ka hor loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah  dadka uu matalayo maamulkaasi lana raaco go,aankii iyo gogoshii uu ku baaqay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif……………………………..

 

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE………………………………..

 

G…….Ururka C&S ee SIME

Ahna Qoraha barnaamijka qalinka nabada Soomaaliyeed…………………..

 

Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here