Shir looga hadlayo shidaalka iyo gaaska Somalia oo Maanta ka furmay London ee dalka Britain + SAWIRRO

0
908

London, (HargeisaPress) — Shir looga hadlayo shidaalka iyo gaaska Somalia ayaa maanta ka furmay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo shirkan ay ka qayb-galayaan shirkadaha shidaala baara ee caalamka, shirkado maal-gashi iyo weliba madax caalamka ka socota oo uu ka mid yahay madaxweynaha Uganda, Yoweri Musevni.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya, Daa’uud Maxamed Cumar oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in Soomaaliya laga qodo ceelal shidaal, sidoo kalena wuxuu sheegay inay si dhaqso ah dalka uga howlgalaan shirkadihii shidaalka ee horay heshiisyada loola galay.

“Shirkadaha shidaalka ka ganacsada ee horay heshiisyada loola galay waa in ay dib howlahooda uga billaabaan gudaha Soomaaliya, lamana ogolaanayo inay hantida Soomaaliyeed is kala fadhiyaan. Innaga hadda wadahadal ayaa inoo socda, waayo waxaa jira waxyaabo ay horay uga cabanayeen waanan xallin doonnaa,” ayuu furitaankii shirka ka sheegay wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya.

Shirkadihii horay ula galay heshiisyada baarista shidaalka dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa ka mid ah; Shell, Conoco, Shevron iyo kuwo kale, kuwaa oo goobjoog ka ahaa goobta uu shirku ka furmay. Sidoo kale wasiirku wuxuu shirka ka sheegay inaysan dowladda Somalia aqoonsanayn shirkadihii horay heshiisyada ula galay cid aan ahayn dowladda federaalka Soomaaliya. isagoo wasiirku hadalkiisa ku daray in dowladdu ay la tashanayso muwaadiniinteeda iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya ayaa la weydiiyay su’aal ahayd in qaybo ka mid ah Soomaaliya uu ka jiro colaado salka ku haya shidaalka, wuxuuna ku jawaabay. “Shidaalka Somalia waxaan ku caddeyn karaan laf-jabtay oo si maroorsan u kala baxday, waayo laf-jabtay marka la kabayo xanuun badan ayay leedahay, balse waa loo adkeystaa. Sidaa daraadeed wasaaraddu waxay ku jirtaa sidii ay u hagaajin lahayd oo si saani ah loogu qaybsan lahaa.” Isagoo xusay in cidda heshiiska galaysa ay tahay inay ka fikirto waxa hadhow ka imaan karta.

Agaasimaha shirkadda dalka Britain laga leeyahay ee Som Oil & Gas, Report Sheppard oo isaguna shirka ka hadlay ayaa xusay inay dhawaan soo gaba-gabeeyeen baaritaan ay ka wadeen xeebaha ka baxsan Soomaaliya, isagoo xusay inay baareen 185,000 oo km oo badda gudaheed ah laga soo billaabo xeebaha meelaha ay ku muransan yihiin Somalia iyo Kenya illaa Puntland.

Dhanka kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay daraasado kala duwan oo ku saabsan fursadaha maal-gelineed ee shidaalka Soomaaliya iyo xogo kale oo ku aaddan suurogalnimada shidaal iyo gaas oo aan horay loo baarin oo ka jira Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya lagu tilmaamay dalalka hodanka ku ah shidaalka iyo gaaska.

Ugu dambeyn, madaxda shirkadaha ku shaqada leh shidaalka ee shirkaan ka qaybgalaya ayaa waxay doonayaan in loo caddeeyo in Soomaaliya ay tahay meel xilligan ay ka howlgeli karaan oo aysan khatari ka jirin iyo in kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu waday inuu ka hadlo shirkan ayaa weli tegin goobta uu shirku ka furmay, waxaase ku suganaa xubno uu ka mid yahay madaxweyanha Puntland, C/weli Gaas.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here