Sheekh Maxamed Aadan oo Sheegay In Coronavirus Uu Ka Dhex Helay Qur’aanka

0
3483

Hargeisa (Hargeisa Press)- Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ah culimada waa weyn ee Somaliland ayaa waxa uu sheegay inuu qur’aanka ka dhex helay xanuunka Coronavirus ee hadda faraha ba’an ku haya caalamka.

Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in xanuunkan uu yahay ama la mid yahay kii Nabi Muuse CSW uu ku inkaaray ee kadibna lagu salliday Muuse Saamiri, kadib markii uu lumiyey qowmkiisa.

“Saamiri waxa uu ka mid aha qoomkii Nabi Muuse CS, waana ninkii ku hogaamiyey reer Bani Isra’iil inay caabudaan Dibiga Ilaahay qayrkii, intii Nebi Muuse CS uu ku maqnaa Buurta Duur, isaga oo lasoo hadlayey Allah SWC. Ninkan magaciisa waxa la odhan jiray Muuse, waxaanu ka mid ahaa dadkii reer banu Isra’iil ee Eebe kasoo badbaadiyey dulmigii Fircoon.

Nabi Muuse oo inkaraya Saamiri, wuxuu ku yidhi “tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad tidhaahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday wakhti aadan baajinayn (maalinta qayaame).” Saamiri waxa lagu ciqaabay in hadii uu qof jidhkiisa taabto inuu gubanayo ama maqaarka jidhkiisu soo daadanayo, sidaa awgeed haduu arko cid bani aadam ah oo usoo dhowaata waxa uu odhanayey ha itaabanina, sidoo kale Eebe waxa uu u ballan qaaday mowcid aan baajismayn oo ah maalinta qiyaame.”ayuu yidhi Sheikh Maxamed Aadan.

Sheekh Maxamed Aadan ayaa hadda sheegay in maadaama cudurka Coronavirus uu dadkii oo dhan ka dhigay kuwa kala cararaya oo leh “ ha i taaban” uu la mid yahay kii lagu salliday Musue Saamiri.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here