Sahra Halgan: “Anigu Waxaan U Soo Halgamayay Meel Xor Ah oo Madaxdaydu Fadhido Inaan Ka Heeso”

0
4737

Hargeysa (Hargeisa Press) – Fanaanada Sahra Axmed Maxamed Maxamuud Muuse (Sahra-Halgan), ayaa sheegtay in aanay weligeed ka heesin Madaxtooyada Somaliland, iyadoo kamid ahayd dadkii halganka ka soo qaybqaatay.

Fanaanada, ayaa waxay sheegtay in sababta ay u soo halgantay ay ahayd inay ka heesto meel xor ah oo madaxdeedu fadhido.

“Anigu waxaan usoo halgamayay meel xor ah oo qurux badan oo madaxdaydu fadhido inaan ka heeso weli Madaxtooyada Somaliland kamaan heesin. Miyay logic tahay anoo 91kii Burco ka heesayay oo intaa 18May jirtay heesayay, Habeen baan madaxtooyada tagoo way qurux badnayd oo waxaan idhi hal hees maku darsadaa, waxaa laygu yidhi Programmeka kuma jirtid”.sidaa ayay tidhi Fanaanad Sahra Halgan.

Fanaanada Sahra Axmed Maxamed Maxamuud Muuse (Sahra-Halgan), ayaa ka mid ahayd Halgamayaashii ururkii SNM ee Horseedka u ahaa Qaranimada iyo Xuriyada maanta ay Somaliland ku Naaloonayso.

Sidoo kale, Fanaanada oo Sannadkii 2015-kii dib ugu soo laabatay Somaliland, ayaa xarun dhaqameed u heellan fanka iyo suugaanta oo lagu magacaabo Hiddo Dhowr ka aasaastay magaalada Hargeysa oo ah tuulo yar oo laga dhisay dhawr aqal Soomaali ah, lagana helaayo qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo weliba cuntada Soomaalida ay gaarka u leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here