Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxeexday Heshiis Cusub

0
757

Ankara (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Turkiga Erdogan, ayaa maanta ku kulmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Kulanka, ayaa sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Dige waxaa lagaga wadahadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, amniga, iyo ganacsiga.

Agaasimaha warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay in kulan gaar ah oo labada madaxweyne ay yeesheen lagaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin dardargelinta ganacsi ballaaladhan oo dhexmara labada dal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Turkigu ay dhul siin doonto safaaradda Soomaliya ay ku leedahay dalkaas, dhulkaas oo safaaraddu ay dhawaan dhisan doonto.

Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka deegaanka Turkiga, ayaa ah heshiiska kaliya ee ilaa iyo hadda labada dhinac ay qalinka ku duugeen.

Booqashada wefdiga madaxweynaha Soomaaliya ee Turkiga, ayaa maanta ku eekayd iyagoo dib ugu laaban doona Soomaaliya sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here