Ruushka oo Kooxda-Wagner Ku Beddelaya Dagaalyahanada Chechenya Ee Lagu Naannayso TikTok-Battalion

0
507

Moscow (Hargeisa Press)- Dowladda Ruushka, ayaa si cad u sheegtay in kooxda Wagner ee callooshood u shaqaystayaasha ahi aannay ka sii shaqeyn doonin Ukraine, halkaas oo dagaal addag kaga jireen weerrarada Ciidamada Ruushku hoggaaminayaan ee ku waajahan Ukraine.

Madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin, ayaa ku sugan Ruushka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo, waxayna kooxdu todobaadkii u boqolen dhinaca dalka ay saaxiibka iyo xulludda yihiin Ruushka ee Belarus oo xuduud dhow la leh.

Dagaalyahannada Wagner, ayaa lagu beddeli doonaa Guutada reer Chechnya ee lagu naaneeso “Tik Tok Battalion”, kuwaas oo uu Hoggaamiyo Ramzan Kadyrov oo ah hoggaamiyaha Chechnia ee Akhmat Brigade, kuwaas oo bilawgii hore ee dagaalka ku jiray safka hore, isla markaana waxa la xussuusan yahay guulo waaweyn oo ay kasoo hooyeen, iyagoo sannadkii hore qabsaday Magaaladda Dekedda Istiraatiijiga ah ee Mariupol, halkaas oo ahmiyad weyn u lahayd dagaalka.

Guutada reer Chechnya ee lagu naaneeso “Tik Tok Battalion”, ayaa muddo kaddib iskaga baxay dagaalka, iyagoo ku wareejiyay magaalooyinka ay qabsadeen ciidamadda Millateriga Ruushka, waxaana xilligaa soo baxay khilaaf iyaga iyo saraakiisha Millateriga Ruushka soo dhexgalay oo sabbay in Madaxweyne Putin is bedel ku sameeyo marar kala duwan saraakiisha Millateriga ee safka hore, kaddib dhaliilo uu soo jeediyay  Ramzan Kadyrov.

Dad baddan, ayaa su’aalo iska weydiinaya in Guutada reer Chechniya ee lagu naaneeso “Tik Tok Battalion” ay qaadan karaan doorkii kooxda Wagner ee safka hore ee dagaalka Ukraine, balse kooxda oo u baddan Muslin, ayaa door wey iyo guulo kasoo hooyay bilawgii dagaalka Ukraine, ka hor intii aannay ka bixin faranta hore ee dagaalka. badhtamihii sannadkii 2022.

Dhinaca kale, Mareykanka, ayaa ka digay in kooxda Wagner ay khalkhaliso amaanka Afrika, iyadoo la rumaysan yahay in Ruushku kooxdaa usoo diray Mali iyo Badhtamaha Afrika, kaddib markii Hoggaamiyaha Mali ku dhawaaqay inay ka baxaan ciidamada nabad ilalainta ee ka socday qaramada Midoobay, kuwaas oo ku sugnaa dalkiisa.

Mareykanka, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay saamaynta xasilooni darado uu sheegay inay kooxda Wagner ku leeyihiin Afrika, wuxuuna ku eeddeeyay hogaamiyahooda Yevgeny Prigozhin inuu gacan ka siiyay shaxda farsamada ka bixista ciidamada Qaramada Midoobay ee Mali.

Qaramada Midoobay, ayaa maanta u codaysay in ay iskaga baxdo dalka Mali sida ay dalbadeen taliska Millateriga ee ka taliya dalkaa, waxayna taas beddelkeeda qaateen in Wagner loo keenay Mali si ay uga caawiso la dagaalanka kacdoonka Islaamiyiinta. Kooxdan calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa lagu eeddeeyay in ay gabood fallo ka geysteen dalka Mali iyo wadamo kale oo Afrikaan ah, balse eeddaha ayaa ah kuwo ku kooban Maraykanka iyo xullufaddiisa oo keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here