Kalluumeysato 21 Maalmood Lagu La’yahay Badda Magaalada Berbera

0
1720

Berbera (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case), ayaa sheegay in la laayahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen 3 nin oo Kalluumeysato ah, kuwaas oo dhawaan ka anbabaxay magaalada Berbera.

Guddoomiye Cali Case, ayaa waxaanu xusay in ka maamul ahaan ilaa hadda ay ku hawlan yihiin sidii raggaas loo helilahaa Geeri iyo Nolol waxa ay ku sugan yihiin.

Waxaa uu tilmaamay in ay magaalada ka kaxaysteen Laash, isla markaana ay Badda u Kalluumeysi tageen, waxaanu intaas ku daray in Iskaashatada Kalluumeysatada oo uu wareystay ay u sheegeen in waxa uu badan ee Badda lagu jiri karaa tahay toban cisho, isla markaana in sida dabeecada Baddu tahay in aanay nimankaasi maqnaan karayn haddii ay nool yihiin, isla markaana in mar uun war laga helilahaa iyaga iyo agabkoodii.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Iskaashatada Kalluumeysatadu ay dhinaca Barri iyo Galbeed ee Badweynta Berbera ay ka raadiyeen, balse nasiib darro ilaa hadda aanay haynin raq iyo ruux midna.

Guddoomiye Cali Case, waxaa uu nimanka Kalluumeystada ee illaa hadda la laayahay Rag uu magacyadooda ku sheegay Jaamac Cumar Warsame, Cali Cabdi Boos iyo Cawaale Maxamed, waxaanu hoosta ka xariiqay in nolol iyo geeri wax caddayn kara aan hadda la haynin.

Waxaa uu xusay in guddoomiyaha degmada Bulaxaar in ay hawlgaliyeen isla markaana Gaadhiga Gurmadka deg dega ah ee degmadaasi baadi doon iyo raacda nimankaasi uu ku jiro isaga oo marba Badda Xeeligeeda dhinac u maraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here