Roobab Dabeylo Wata oo Ka Da’aya Puntland

0
762

Garoowe (Hargeisa Press)- Roobabka dabeylo wata ayaa hadda ka da’aya xeebaha Badda Hindiya gaar ahaan degmooyinka Eyl, Xaafuun iyo meelo kale oo kamid ah Badda Cas. Wuxuuna wataa Roobku qabow daran.

Maamulka Puntland ayaa dadweynaha kula taliyay inaanay Ku safrin Togagga iskana ilaaliyaan dhulka Biyo Mareenka ah ayna muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah, iyadoo laga cabsi qabo inay daad xoogan ka dhashaan Roobabkan oo da’aya in ka badan 24saac.

Khasaare aad u baaxad weyn weli lama oga, inkastoo degaanada xeebaha ku yaala laga soo sheegay in dabeyshu waxyeelo u geysatay guryo iyo qalab kalluumaysi oo badan.

Magaalooyinka Puntland oo ay kamid tahay caasimadda Garowe, waxaa illaa iyo haatan ka da’aya Roob wata dabeyl aan sidaasi u xoog badnayn, waxaana saaka oo Sabti ah xidhan dhammaan xarumahii waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kale addeega korantada ayaa mararka qaarkood hawada ka baxaya.

Wixii warara ee soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…

 

Hargeisa Press Desk/ Garoowe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here