Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Muxuu Ka Yidhi Doorashada Somaliland?

0
2487

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa ka hadlay doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee maalinta berri ah ee 31-ka bishan May ka dhacaysa Somaliland.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacabka iyo dowladda Somaliland, isla markaana ku amaanay bisaylka dimuquraadiyadeed oo ay muujinayaan.

“Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31-ka May shacabweynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimadu ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,” ayuu yidhi ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

“Waxaan leeyahay nabad ku codeeya isku dul qaata, doorashadu waxay wax u tartaa dareenka dadka, waxayna ku hoggaamisaa in qofku fikirkiisa uu si xor ah u dhiibto, islamarkaana uu doorto mas’uulka uu is leeyahay waa istaahilaa inuu ku metelo,” ayuu yidhi.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa shacabka Soomaaliya kula dardaarmay in ay cashar ka bartaan bulshada Somaliland, islamarkaana doorashada sanadka 2025-ka ay si xor ah u soo doortaan xildhibaanka ay doonayaan.

“Walaalaha koonfuteed waxaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah, oo xalaasha ah, oo qofka muwaadinka ah uu codkiisa u dhiibankarayo, doorashada 2025-ka ee soo wajahan waxaan rajeynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay xaq u yeeshaan in xildhibaanka ay doonaan doortaan, oo madaxdooda doortaan, si taladana shacabweynaha Soomaaliyeed dib loogu celiyo,” ayuu yiri Mahad Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here