Golaha Guurtida oo Musharrixiinta Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Natiijo Kasta oo Ka Soo Baxda Doorashada

0
1007

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa baaq u diray Musharixiinta kala duwan ee ku tartamaya Doorashooyinka berri qabsoomaya, waxayna ugu baaqeen inay aqbalaan natiijo kasta oo ka soo baxda Komishanka Doorashooyinka, guul iyo guul daraba.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilka Case) iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa sidoo kale waxay farriin u direen Shacabka reer Somjaliland,  Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilka Case oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi  “Waxaa tartamay dad ilmadeero ah oo isku dhaw, waxaa qaybsamay dad isku dhaw ololihii, waxaa ka dhashay cunfi dadkii loolamayey, ama shacabkii taageerada u ahaa dadkii loolamayey, waxaa la soo gaadhay wakhti gabagabo ah, waxaa soo bixi intii uu ALLE u qadaro, waxaanu musharrixiinta ku waaninaynaa ama aanu ku biirinaynaa taageerayaashii way qaybsameen, ee inay qaataan doorka midnimada, inay qaataan natiijo kasta oo ka soo baxda Guddida Doorashooyinka, inay qaataan guul iyo guul daraba, waxaanu ognahay in tirada musharixiinta inay lix boqol ay dhacayso, ogow haddii aad guulaysto iyo haddii aad guulaysto in dadkii taageerayaasha ku ahaa inay eegayaan ficillada kaa soo baxaya, guusha ka yimaaddaana waad wada leedihiin, waxaanad noqonaysaa hoggaamiyaha mustaqbal haddii aad taas qaadato, ninka guulaysta ee ILLAAHAY calaf ugu daro in dadkiisa kii u codeeyey iyo kii ka codeeyey labadaba iskugu yeedho mid u noqdaan”.

Xildhibaan Indho-indho isna wuxuu yidhi “Dadweynaha codaynaya waxaan leeyahay waa inaad ixtiraamtaan waayeelka, dadka waaweyn, Dadka naafada ah, kuwa indhaha la’a, kuwa dhegaha la’ oo xeerku tilmaamayo oo kuwa aan kuyuuga geli karin ee naafada ah aad ixtiraamtaan, dhammaanteen waynu wada guulaysnay, nin guul daraysanayaa 966  ma jirto, doorashada ayay ku jirtaa in la guulaysto iyo in guushii la gaadhi waayo, labaduba waa sharciya, ee waxaan idinku waaninayaa ciidamada qaranka, ciidamada nabadgalyada, in qof walba oo Somaliland ah, oo halkan ka codaynaya Laas-qoray ilaa Lawya-cado waxaa n idinka codsanayaa inaad nabadgalyada ka horeysiisaan Doorashada, mar labaad waxaan idinku xigsanayaa inaad kala durugtaan, xanuun ayaa jira, oo kuyuuga marka aad ku jirtaan aad is ilaalisaan, oo afka xidhataan, oo caafimaadkeena iyo caafimaadka shaqalaaha komishankaba aad ilaalisaan, mar saddexaad waynu wada guulaysanaynaa, cid guul daraysanaysaa ma jirto, ee anigoo ku hadlaya magacii Golaha Guurtida waxaan idinka rajeynayaa labada qodoba waa sharciye inaad labada qodobba u hoggaansanataan, natiijooyinka komishanka ka soo baxayana aad adeecdaan, 25 dawladood baa maanta inala jooga, waxaynu u codaynaynaa nabadgalyadii, waxaynu u codaynaynaa ictiraafkii, waxaynu u codaynaynaa  maskaxdii aynu Afrika dheerayn, waxaa la inaga sugayaa inaynu Geeska Afrika nabaddiisa xalino”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here