Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Heshiis La’aan Kaga Ambo-baxay Garoowe

0
1054

Garoowe (Hargeisa Press) — Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta weji gabax kala tagay magaalada Garoowe, iyadoo ayna jirin wax heshiis ah oo ay ka gadheen khilaafkii dhinaca doorashada ee kala dhaxeeyay maamul goboleedka Puntland.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa safar lug ah ugu ambo baxay magaalada Gaalkacyo, isagoo u sii gudbidoona dhinaca Galmudug, halkaas oo kusii sugnaan doono muddo labo cisho ah.

Wuxuu tegi doonaa Ra’iisal wasaaruhu Dhuusomareeb, isagoo wadatashi la yeelandoona madaxda Galmudug.

Ilo wareed ayaa sheegaya in khilaafka siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya lagu xallindoono shir kale oo magaalada Muqdisho iskugu iman doonaan madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya ee la galay bishii September ee sannadkan, ayaa lagu wadaa in dib loo furo, iyadoo masuuliyiinta ka doodi doonaan qodobo heshiiska ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here