Qurbe jooga Subeer Awal Ee UK Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Faragalinta Saldanada Awal Iyo Xadhiga Salaadiinta + DAAWO SAWIRADA

0
904

LONDON, (HargeisaPress) —Qurbejooga ka soo jeeda gobolada Maroodijeex, Gabiley iyo Saaxil ee Subeer Awal oo kulana balaadhan ku yeeshay Royale Launge oo ku taal galbeedka magaalada London habeenkii Isniitnut so galaysay ayaa waxa ay si weyn gaashaanka ugu daruureen waxa ay ku tilmaameen faragalinta Saldanada Subeer Awal iyo xadhiga loogeystay qaar ka maid ah salaadiinta beesha. Kulankan oo noociisa qurbejooga UK ee Subeer Awal hore aanu iskugu iman London ayaa ahaa mid si adag looga hadlay in suldaan cusub la barbar eryo Sulaanka Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

DSC00152(2) 2

Xubanah halkaa ka hadlay ayaa saddex qodob si adag isku dul taagay. waxayna saddexdaa qodob kala ahaayeen:

Awal12(1)

  • Iyagoo si adag u dalbadaya in xoriyadooda loo soo celiyo xubnaha salaadiinta ee loo xidhay khilaafka deegamada xeebaha gobolka Maroodijeex.
  • In ay gaashaanka u daruuraan faraglinta Saldana Subeer Awal iyo caleemo saar suldaaan cusub oo Subeer Awal ah.
  • Iyo in laga feejignaado talaaboyinka lagu qaybniyano beesha Subeer Awal oo ay sheegeen in ay wadaan xubo siyaasiyiin ah.

DSC00154(1)1

Kulankii habeenkii Isniintu soo galaysay oo ay ka hadleen xubno caan ka ah UK ayaa ujeedadiisa ay ku sheegeen in ay ‘aamusnaanta ka baxaan’ oo xaalada siyaasadeee, deegaan iyo bulshoba ay iftiimiyaan. Goobta ayaa sidoo kale lagu dhaeleeceeyeye xukumada Siilaanyo oo ay ku tilmaameen mid bulshada kala geysay iyadoo adeegsanaysa xabo hore loo soo tijaabiyey oo aan qaranka Somaliland mudnayn in dib loogu celiyo. Sidoo kale waxa ay isku baraarujiyeen, bulashadan ugu baaqeen in gurmadka abaaraha oo ay sheegeen in xukumadu qaab-cago jiid mar-dambe gurmad abaaraha kaga jawaabtay oo ay xaalka ku soo koobtay gudi uu madaxweyne Siilaanyo magacaabo.

DSC00161[1] 1

Awal6

Kulankan ayaa sidoo kale laga sheegay in maalinta Salaasada ama Arbacada uu magaalada Hargeysa ka dhici doono kulan balaadhan oo lagu taageerayo Sulsaan Xasan Suldaaan C/laahi , kulankana uu hordhac u yahay kaas iyo kuwo kale oo beesha Subeer Awal isku baraarujinayso, bulshada Somaliland inteeda kalena uga digayso halisaha qaranka ku soo kordhay ay ka mid tahay in hab-dhaqankii soo yaalka ahaa siyaasi doonayo in u  dhalan rago.

Awal2(1)1

Isku soo duuboo kulankan ayaa ahaa mid dadkii iskugu yimid lagu baraarujiyey in ay ilaaliyaan wada jirka umada Reer Somaliland guud ahaan, xaaladaha soo kordhayna wadjir loo abaaro.

DSC00155

Awal10

Awal7

Awal%201

Awal9

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here