Xoghayihii Hore Gobolka Gabiley Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay In Uu Taaganyahay Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland 2017

0
1332

GABILEY , (HargeisaPress) —Xoghayihii hore ee gobalka gabiley Axmed Maxamed Maxamuud (Afey) ayaa sheegay inuu yahay musharax doorashada golaha wakiilada una taagan xisbul xaakimka kulmiye ee hogaanka dalka haye isagoo sheegay inaanu ku biirin axsaabta kale sida ucid iyo wadani sidoo kale wuxuu sheegay inuu xisbul xaakimka kulmiye yahay xisbi umada ukeeni karaa horumar iyo isku duubni mustaqbal dhaw iyo kafogba aad ugu aamanay madaxwaynaha qaranka Somalilland Ahmed Mohamed Mahmoud Siilaanyo inuu yahay hogaamiye karti badan masiirkisauna yahay masayrka umadii soo dooratay iyo sida uu uu uga gudbey caqabdihii ka horyimid inta uu talada dalka hayey.

 

Islamarkaana ay ka horyimadeen khilaafyo leh dhinacyo badan sida tii udanbaysay ee ay wasiiradu is casileen ee uu markiiba usoo magacaabay wasiiro kale oo ka wngsan kuwii hore isla markaan hirgailey iney qabsoontyo tartankii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye kazoo ahaa tartankii udanbeeyay oo uu madaxwaynaha qaran cadeeyey inaanu ahayn musharax madaxwayne isagoo xor ka dhigey iney tartamaan xubnaha golaha dhexe taaso si cadaalada ah udhacdey in bulshadana soo jiidatey muujiyey taanasul iyo iaanu wadan cid uu dangaara ka leeyahay.

 

Sidoo kale waxa uuu xoghayihi hore  ee gobalkani gabailey utilmamay inuu xisbulka xaakimka kulmiye ee uu hada hada musharax madaxwayne ka yahay muuse biixi cabdi uu yahay xisbi loo wada simanyahay ooo aanu shaqsi lahayn sida xisbiga wadani oo kale oo uuu shaqsi leeyahay taasina aanay ahayn xisbi loo simanayhahay.sidoo kale waxa sheegay inuu yahay musharax kazoo jeeda kulmiye wakhtiga doorashada barlaamka una matali doono dadwaynaha gobalkiisa gabiley .

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

 

LEAVE A REPLY