Qurba joogta Somaliland waa Aafo Qaran Qallinkii: Calikubad

0
1136

Golaha wakiiladu waxa lagu qiyaasaa inay boqolkiiba sideed iyo konton (58%) ay yihiin qurbe joog baasooro ajinebi ah sita, sidoo kale golaha wasiiradu way ka badan yihiin boqolkiiba lixdan(60%). Gudida Doorashooyinka Qaranka markaanu ahayn, todobadayada shan ka mid ahi (71%) waxaanu ahayn qurbo joog.

 

Waxa intaas sii dheer shaqooyinka agaasimayaasha, mareeyayaasha, iyo haya’daha dawlada oo iyana qurbo joogtu qayb libaax ka yihiin. Qurbo joogta markay yimaadaan dalka waxa loo qabtaa xaflado waaweyn sida xaflada ay Madaxtooyadu u samayso qurbo joogta sanad kasta, iyo xaflado ay wasiiradu si gaar gaar ah ugu macsuumaan dadkii ay qurbaha wada joogi jireen ee dalka yimi.

 

Ta kale, qurbo joogta madaxda ahi markay wax isdaba marinayaan (corruption and embezzlement) ee ay hantida qaranka ay boobayaan, wax weyn bay goostaan sida lacag dibeda la dhigto, guryo waaweyn oo dibedaha laga iibsado, iyo caruurtooda oo ay jamaacado qaali ah u diraan. Hadaan hadalka si kale u dhigno, xil, mansab, iyo shaqo aad hantida Qaranka wax kaga boobi kartid, waxaad heli kartaa uun markaad tahay Qurbo joog ee aad sidatid Baasaaboorka wadamo kale. Markay intaas dhalinyaradii ay arkaan bay hiyi kacayaan, oo is odhanayaan is biimee si aad waxaas oo maamuus iyo fursadba aad u heshid hadhow.

 

Waxa kale oo jirta shaqo la’aan dalka ku baahsan, ilayn waa tan intii yarayd ee jirteyna ay qurbo joogto bililiqaysteene. Waxay kale oo ay dhalinyaradii arkayaan mid dhowr sanadood Ka hor tahriibey oo guri dhistay, ama dalka u yimi inuu guursado, ama reerkoodii wax u qabtay, dabadeed waxay u badheedhayaan halistaas iyo isku biimayntaas badda.

 

Ilaahay waxaynu uga baryeynaa inuu dhalintaas badda ku haligmantey uu Ilaahay u naxariisto, qoysaskii, ehelkii,qaraabadii,asxaabtii iyo qarankaba inuu innaga wada siiyo Samir Iyo iimaan, reerihii ay ka baxeena uu cawilkooda siiyo. Ilaahayow Aamiin.

 

 

Calikubad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here