Qodobo Laga Soo Saaray Shir Dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka

0
2781

Hargeysa (Hargeisa Press) – Shir xaasaasi ah, ayaa waxaa uu goordhawayd Madaxtooyada Somaliland ugu soo dhamaaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee Ucid iyo Waddani.

Shirkaas, ayaa waxaa lagaga wadahadlay khilaafkii doorashada ee u dhaxeeyay Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka iyo Xaaladda gobolka Sool.

Waxaana dhinacyadu isku afgarteen in Guddi loo saaro khilaafkii u dhaxeeyay xukuumadda iyo Mucaaridka, si looga heshiiyo arrimaha la isku khilaafay ee ay ka mid tahay arrinta doorashada madaxtooyadu. 

Sidoo kale, waxaa ay Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradku ay ku baaqeen in xaaladda magaalada Laascaanood wada-hadal iyo nabadeed lagu dhammeeyo.

Shirkan, ayaa waxaa laga soo saaray Shan Qodob, waxaanay u dhignaayeen sidan:-

1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.

2. Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta. 

3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan. 

4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo.

5. In arrimaha Qaranka si wada jira loo wajaho lagana wada tashado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here