Hay’adda MSF oo Daawooyin Ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka

0
889

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta daawooyin kala wareegtay Hay’adda MSF.

Waxaana daawooyinkaasi kala wareegay Hay’adda MSF, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Daawooyinkan oo loogu talagalay in lagu isticmaalo Xarumaha Caafimaadka, ayaa agaasimaha waxaa ku wareejiyay masuul ka socday Hay’adda MSF.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda MSF daawaayinkaasi ay Wasaaradda ku wareejisay.

Waxaanu xusay in ay qayb ka qaadan doonan dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada ay bixiyaan Xarumaha Caafimaadka ee dalka ee dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here