Qaramada Midoobay Oo Ergay Cusub U Soo Magacowday Soomaaliya

0
652

New York (Hargeisa Press.com): Xoghayaha guud ee jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa Mr. António Guterres,  ayaa magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee u qaabilsanaan doona dalka Soomaaliya.

Mr. António Guterres,  ayaa maantoo khamiisa Mr. James Swan, u magacaabay wakiilka qaramadda midoobay ee Soomaaliya, kaasoo beddeli doona ergaygii hore ee qaramada Midoobay u joogay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

War saxaafadeed la soo dhigay bogga uu internet-ka ku leeyahay hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay soo xulashada wakiilka cusub.

Mr. Swan ayaa lagu qeexay inuu yahay diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer kasoo shaqeeyay caalamka, howlo bandanna usoo qabtay dowladda Mareykanka. Wuxuu hore u ahaa wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Nicholas Haysom, ayaa la beddelay kadib markii dawladda Soomaaliya horaantii sanadka ku amartay in uu dalkeedda ka baxo, isla markana aan dalkooda laga rabin masuulkaasi.

Wakiilkan cusub  oo ah diblumaasi u dhashay dalka Maraykanka ayaa noqonaya ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay iyo dadaxa hawl-galka Bani-aadamnimo ee jamciyadda quruumuhu ka waddo Soomaaliya.

Afhayeenka Qaramada Midoobay oo ka hadlay Magacaabista Swan ayaa sheegay inuu sida ugu dhakhsaha badan isugu duwi doono hawlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Geesta kale Mr. Swan ayaa inta badan wakhtigiisa geliyey arrimaha Afrika, waxaanu inta badan ahaa Safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Ergayga la Magacaabay kuma cusba Soomaaliya, waxaanu Ergayga Maraykanka ee Soomaaliya ahaa intii u dhaxaysay August 2011 illa july 2013, sida ku sugan Website-ka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka.

Doorkiisii diblumaasiyadeed, kii Amni iyo Xasilintiisu waxay dhiiri-gelisay oo Natiijadeedii noqotay in 20 sanadood ka dib Maraykanku aqoonsado Soomaaliya, sida lagu yidhi, Qoraal ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanku.

Mr. Swan wuxuu Maraykanka safiir uga soo noqday dalalka Jabuuti iyo Kamaruun, sidoo kalena wuxuu noqday ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Afrika ee Maraykanka, intii u dhaxaysay 2006-2008-kii.

Waxaanu xilligaa dusha kala socday siyaasadaha iyo Mashaariicda Maraykanku  ka waday 23 Waddan oo Africaan ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here