Xildhibaan Dheeg Oo Wasiir Khaliil Ku Dhaliilay Amarkii Uu Masaajidadda Ku Soo Rogay

0
1015

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), ayaa ku dhaliilay wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland amarkii ay ka soo saartay in hoos loo dhigo codka Sameecadaha masaajidadda gaar ahaana salaadda Tahajudka ee la tukado 15-ka danbe ee bisha Ramadaan.

Waxaanu tallaabadaas ay wasaaraddu soo saartay ku tilmaamay mid laga soo waariday wadamadda dibadda ee aan islaamka ahayn, isla markaana  shuruucdii iyo dhaqamadii wadamadda Gaaladda hoosta laga soo geliyay Somaliland.

Xildhibaan Dheeg, waxa uu  sheegay in dalalka aan islaamka ahayn ay masaajidadda wadamadoodda ku yaalla faraan in Sameecadaha masaajidadda ee salaadaha hoos loo dhigo. Isagoo xusay in amaro sidan oo kale ah hore loogu soo tijaabiyay wadamo islaam ah.

Hase yeeshee dalalka Soomaalida dadkoodda looga baqan jiray in ay kacaan ama ay ka cadhoodaan arrimaha diinta la xidhiidha, balse maanta lagu fuliyay Somaliland.

“Waxaa jirtay waayadan danbe, weerar lagu hayay diinta Islaamka, oo ka imanayay xagga wadamadda reer Galbeedka. Markii hore waxay inagu bilaabeen in ay yidhaahdaan dadka hurada ee raaxaysanaya ha toosinina’e, idinkuuni is maqashiiya, oo Sameecadaha hoose  ee masaajidka gudihiisa isticmaala, oo dadkayaga hanaga toosinina. Waynu ka yeelnay.

Waxay u soo gudbeen dalalkii islaamka. Dawladdo badan oo islaam ah oo inaga horeeyay ayaa lagu tijaabiyay oo ay u martay. Soomaalida waa laga baqanayay oo waa dad sharaarad leh, diintana  ku adag”ayuu yidhi xildhibaan Dheeg oo maanta u waramay telefishanka SAAB.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Maanta waxaa la inagu bilaabay sheekadii reer Yurubka ka timid, ee soo xulaysay dawladaha islaamka. Waxaanay inagu soo beegantay wakhti aad iyo aad u khayr badan, oo 15-kii maalmood ee Ramadaan ugu danbeeyay ah, ayaa la ina yidhi ka saara masaajidadda Sameecadaha dusha ayaan dadka raaxaysanaya, ee hurda iyo dadka xanuunsanaya, ha toosinina”.

Geesta kale xildhibaan Maxamed Yaasiin Dheeg, waxa uu is waydiiyay sababta keentay in iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana uu ku dhex jiro habeenka aadka u khayrka badan ee Laylatul-khadriga in wasaaradda diinta iyo awqaaftu soo saarto amarkaasi.

 

Waxaanu sheegay in habeenka aadka u qiimaha badan ee Laylatul-khadriga laga dhigay habeen hooseeya oo aan qiimo weyn u lahayn ummada islaamka ah.

Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaan is waydiiyay tolloow dadka loo diidayo Sameecadaha, ee hurdadda lala jeclaysanayaa, ma dad ka khayr badan baa ehelkii Nebi Muxamed SCW. Waxaanan anigu qabaa in aynu Nebigeenii ku dayasho kaga mudan nahay, oo aynu dadkeena khayrka u kicino.

Dadkii la odhan lahaa salaadda u kaca, oo booba  khayrka ku jira habeenka Laylatul-khadriga, ayaa la leeyahay ha toosinina, oo haku qaylinina, oo masaajidka aqalka ku xigaa in la tukanayo iyo in kale yaanu ogaanin.

Waxaa laga dhigay habeenkii Laylatul-khadriga ee khayrka badan lahaa, ee habeen ka khayr  badan aanu ILLAAHAY SWT soo dejinin, habeen diciif ah oo diinta lala dhuumanayo”.

Ugu danbayn xildhibaan Dheeg, ayaa fariin u diray culimadda Somaliland iyo wasiirka diinta iyo awqaafta oo uu kula taliyay in uu iska ilaaliyo dadka u soo dhuumanaya sidii ay diinta islaamka hoos ugu dhigi lahaayeen.

Waxaanu yidhi  “Waxaan leeyahay culimadda Somaliland, ILLAAHAY haka yaabaan. Wasiir Khaliil-na waxaan leeyahay, mar hore-na waa laguu soo dhuuntay, oo waxay ahayd Kaniisadii Hargaysa laga furay, maanta-na waa laguu soo dhuuntee, iska ilaali dadka u soo dhukusaya diinta islaamka”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY