Puntland Oo Ku Hanjabtay In Ay Xoog Ku Qabsanayaan Dhulka Ay Sheegtaan Ee Bariga Somaliland

0
700

Garoowe (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood), ayaa ku hanjabay in aanay u dul qaadan doonin waxa uu ku tilmaamay gardaro uga timaadda Somaliland.

Waxaanu sheegay in haddii Somaliland ay joojin wayday waxa uu ugu yeedhay  faro gelinta iyo weeraaro joogto ah oo ku hayso degaamadoodda ay qaadi doonaan wixii dhibaato ah ee ka dhasha.

C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood), oo hadal ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 44aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamkaba in ay il gaara ku hayaan arrinkaasi.

“Waxaanu u sheegaynaa dawladda federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo cid kastoo danaysa arrimaha Soomaaliya, in aanay Puntland u dul qaadan doonin xad-gudubyadda Somaliland uga imanaya, aanay difaacayso shacabkeedda iyo xuduudaheedda.

Wixii dhibaato ka dhalatana ay masuuliyadeedda qaadi doonaan  Somaliland”ayuu yidhi Dhoobo Daarood.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa sidoo kale xusay in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan cid kastoo ka soo goosata Somaliland una soo gasha Puntland.

Dhoobo Daarood, oo arrintaa ka hadlayay waxa uu yidhi “Puntland waxay balan qaadaysaa in  ay cisi iyo sharaf ku soo dhaweeyaan cid kastoo garata, kana soo noqota xagga Somaliland”.

Geesta kale C/xakiin Dhoobo Daarood, ayaa u mahad celiyay bulshadda goboladda Sool iyo Sanaa goo uu ku tilmaamay kuwo jecel dalkoodda iyo dadkoodda Puntland gaar ahaana masuuliyiin hore uga tirsanaa Somaliland oo dhawaan u goostay dhinaca Puntland.

Waxaanu yidhi “Waxaan amaan iyo mahad celin u jeedinayaa bulshadda reer Puntland gaar ahaan shacabka Sool iyo Sanaag  oo mar kasta u heelin, iskuna xil saara difaaca dalkoodda. Muujiyana dareenka ay ka qabaan cida cadowga ku ah.

Waxaan u mahad celinayaa guddoomiyihii hore ee gobolka Sanaag  ee Somaliland Cali Xuseen Soomaali, saraakiishii iyo ciidankii iyo xubno kale oo dhawaan iskood uga soo baxay nidaamkii qalafsanaa ee Somaliland,  kuna soo noqday dadkoodii iyo dalkoodii”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here