Ogaysiis: Xaflada 18-ka May ee Dalka Jarmalka oo Sannadka lagu Qaban Doono Kassel iyo Fanaaniinta Qaranka Somaliland ugu Caansan oo ka qayb gali doona.

0
961

Waxaa la Ogaysiinayaa Bulsho Waynta ku Dhaqan Wadanka Jarmalka iyo Hareerihiisa in Sanadkan markay Taariikhdu tahay 15-05-2016  Maalinta Axadda Habeenka Isniintu soo Galayso lagu Qaban doono Xafladdii Sanad Guurada 25-aad ee ka soo Wareegtay Aasaaskii Qaranimada Somaliland oo ahayd 18-ka May 1991, taasi oo ka dhici doonta Magaalada Kassel ee Wadanka Jarmalka.

 

Halkaasi oo ay ku kulmi Doonaan Fanaaniinta Qaranka Somaliland oo ay Hogaaminayaan Fanaanka Nuur Daalacay iyo Fanaanada Nimco Degan, sidoo kale waxaa Madasha ka soo Qayb gali doona Wasiiro ka Socda Xukuumadda, Xildhibaano, Madaxda Jaaliyadda Somaliland ee Wadankan Jarmalka,Madaxda Dallada Dhalinyarada Somaliland Germany, Abwaano iyo Dadwayne kale oo Tiro badan oo ka Qayb gali doona Munaasabada Dabaal Degga Sanad guurada 25-aad ee ka soo Wareegtay Maalintii Dhidibada loo taagay Jamhuuriyada Somaliland.

 

Xafladan oo Noqon doonta Tii ugu Balaadhnayd ee Abid lagu Qabto Dalka Jarmalka Gaar ahaan Gobolka Hessen Magaaladiisa Kassel taasi oo ay Dadwaynaha ku dhaqan wadankani si wayn u Sugayaan, Si Balaadhana looga Dareemayo Qabanqaabadeeda Gudaha Wadanka jarmalka.

 

 

Wixii Faahfaahina ee intaa Dheer kala Xidhiidh Gudida Qaban qaadada Xaflada 18 may Kassel Germany.

Ciwaanka Goobtu waa: Jasmin Saal Germany 34123

Kassel Sandershäuser Str. 43

 

 

Liibaan Jaanbiir

Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabada Xaflada Qaranka.

 

Contacts:

 

015219392251

015214434598

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here