Nolosha Yemeniyiinta qaxootiga ku ah Soomaaliya + SAWIRRO

0
1411

Sana’a YEMEN, (HargeisaPress) —Yemeniyiin qaxooti ku ah Soomaaliya ayaa sheegay in dhanka maciishada iyo khadamaatka uu dhibi ka haysto.

Yeminiyiinta ayaa ka soo qaxay dagaalka u dhaxeeya xulufada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta. Ilaa 9000 iyo kabadan oo qaxooti Yemeniyiin ah ayaa kunool   Putland oo qura iminka.

 

Dhowr kun oo kalena Muqdisho; dhowr kun oo kalena qeybo kale oo dalka ah. Mucaad Maxamed oo qaxootigaa ka tirsan ayaa uga mahad celiyay Soomaalida soo dhaweynta ay u fidiyeen walaalahood qaxootiga Yemeniyiinta ee Soomaaliya usoo qaxay.

‘Dagaalka Yemen ayaan kasoo qaxnay. Waan uga mahad celinaynaa Soomaalida sida ay noo qaabileen’. Sidaa ayuu mucaad u sheegay idaacada fogaan aragga ama talefishinka ah ee Aljazeera laanteeda Carabiga.

 

Min 2015 gaar ahaan bishii Maarso ayay qaxootiga Yemeniyiinta ahi imaanayeen Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa ku adag helitaanka cuntada, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

In yar ayaa shaqooyin ka helay Soomaaliya ayagoo qaar ay maqaaxiyo furteen qaarna ay cuntooyin kariyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Dhaariq Saalax ayaa ka mid ah dadkaa Yemeniyiinta ah ee Soomaaliya shaqooyinka ka helay asagoo injineer ah xirfadiisa injineernimadana uga shaqeysta iminka gudaha Soomaaliya.

‘Waxaan ku faraxsanahay inaan shaqo injineernimo ka helay gudaha Soomaaliya. Yemeniyiin kale oo badan oo aysan usuurta galin inay shaqooyin ka helaan Soomaaliya ayaa jira’. Dhaariq Saalax ayaa sidaa yiri.

Guryo kiro ah ayaa qaxootigaa badankiisu ku nool yihiin hayado samafal ayaana siiya $150 bishii.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen inaysan ukala gaareyn maciishada, qarashka korontada iyo kan biyaha.

Balse sidoo kale waxaa jira guddiyo ka kooban Soomaali iyo shakhsiyaad Soomaali ah oo mutadawiciin ah oo u istaagay sidii ay u caawin lahaayeen qaxootiga Yemeniyiinta ah.

Guddiyadaa ayaa waxaa ka mid ah Guddiga Caawinta Qaxootiga Yemeniyiinta [Yemeni Relief Committee].

Al Jazeera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here