Ninkii ka dambeeyay dilka Safiirkii Ruushka u fadhiyay Ankara oo la aqoonsaday

0
1313

Ankara, (HargeisaPress) —Warbaahinta Turkiga ayaa aqoonsatay ninkii ka dambeeyay dilka Safiirkii Ruushka u fadhiyay Turkiga Andrei Karlov, kaasoo xalay lagu dilay goob lagu soo bandhigayay sawirada farshaxanka oo ku taal magaalada Ankara.

Ninka dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Mevlut Mert Aydintas, waa 22-jir, waxaa uu ahaa askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee ka hor-taga rabshadaha.

Wariyeyaasha ayaa u maleynayay ninkan inuu ka mid ahaa Ilaalada Safiirka, waxaa uu goobta ku soo galay kaadhka aqoonsiga ee Ciidamada Booliska, isagoo u labisnaa sida Ciidamada loo yaqaano kuwa Sirta ee ilaaliya madaxda.

Hase ahaatee waxaa mar kaliya uu rasaas la dhacay, markii uu Safiirka bilaabay khudbadiisa, waxaa uu ku dhiftay sideed xabadood, isagoo ku qeylinayay “Allaahu Akbar, Ha Hilmaamin Aleppo, tani waxay u tahay aar-gudasho” iyo erayo kale.

Ninkan ayaa markii dambe la toogtay, markii ay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidamada booliska oo goobta hareeyeeyay markii Safiirka la toogtay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sheegay in ninkan uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Turkiga labadii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu ku maqnaa fasax.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay falka lagu dilay Safiirkii Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga.

Turkiga iyo Ruushka ayaa sheegay in aanu dilkan wax saameyn ah ku yeelan doonin xidhiidhka labada dal, waxaana uu ku soo aaday dilka, xilli Hoggaamiyeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ay maanta oo Talaado ah kulan ka yeelan lahaayeen xaalada magaalada Aleppo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here