Muxuu Jamaal Cali Xuseen Ka Yidhi Xubnihii Garabkiisa Ahaa Ee Maanta Ku Dhawaaqay Inay Ku Biirayaan Xisbiga WADDANI?

0
1123

Hargeysa, (HargeisaPress) —Jamaal Cali Xuseen oo ah hogaamiyaha garabkii ka go’ay xisbiga UCID ayaa ka hadlay xubnihii ka tirsanaa garabkiisa ee maanta ku dhawaaqay inay ku biireen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Waxaana uu Jamaal Cali Xuseen ka dhawaajiyay in gudidii garabkooda u qaabilsanayd wada hadalada ay la fureen xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay kala jabeen,waxaana uu sheegay in xubnahaa ku dhawaaqay inay ku biireen xisbiga WADDANI aanay matalin garabkooda isna uu go’aan ka qaadan doono xisbiga uu ku biirayo.

Waxaana Jamaal oo arrimahaasi ka hadlaya uu yidhi sida tan

“Runtii way dag-dageen ragaasi,gudidii ayaa kala jabtay markaa inay nimankaasi deg degaan oo dadk afduubaan may ahayn,markaa meel aanu ku biirnay ma jirto oo aniga oo ah hogaamiyihiina markaas waa inaan go’aan qaataa hadii la kala jabay sidaas Ayaan ku wargalinayaa,laakin go’aan garabkayga ah maaha go’aankaasi waa go’aan shakhsiyaad kamid ah garabkaygii hadii ay go’aan qaateena iyaga ayay jirtaa”sidaas ayuu yidhi jamal Cali Xuseen.

Si kasteba ha ahaatee garabkii uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen ee wada hadalada kula jirey axsaabta WADDANI iyo KULMIYE ayaa wakhti xaadirkan u kala jabay laba dhinac kuwaasi oo qaarkoodna ay maanta shaaciyeen inay ku biirayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI halka dhinaca kalena aan la garanayn cida ay ku biirayaan balse laga jawaab sugayo.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here