Muuqaalo Muujinaya Safarradii Ay Xujaydu U Soo Geli Jireen Acmaasha Xajka

0
953

Makkah (Hargeisa Press)- Dad badan, ayaa la falgalay muuqaalo dib u dhac ah oo la faafinayay gaar ahaan tan iyo billowgii xilliga Xajka, kuwaas oo muujinaya xujey xilliyadii hore ay gudanayeen acmaasha Xajka.

Muuqaaladan oo ay duubeen dad safar ah iyo taariikhyahano, ayaa waxaa ay muujinayaan safarkii ay Xujaydu uga soo ambabaxeen dalalkooda si ay u tagaan Makkah iyo goobaha barakeysan ilaa ay ka dhameeyaan gudashada waajibaadka xajka.

Qaar ka mid ah warbixinnada muuqaalka ah ee la duubay, ayaa ka sheekeynaya sheekada safarrada xujaajta ee ka kala yimid meelo kala duwan oo adduunka ah, taasoo keentay isdhexgalka xujeyda kuwaas oo iftiimiyay isbeddelada tayada Boqortooyada Sacuudiga ee u adeegida xujeyda tobankii sano ee la soo dhaafay.

Muuqaallada la duubay, ayaa muujinayay safarro dhaadheer oo ay xujeydu ku marayeen badda iyo berriga si ay u gaadhaan magaalada Makkah iyo goobaha barakeysan, Safarrada xujeyda waxay qaadan jireen bilo ama sanado.

Dhibaatooyinkii hore ee xajka, ayaa ka muuqday sawirada iyo muuqaalada laga duubay iyadoo ay wajiyadooda ka muuqatay cabsi iyo wel wel markii ay u socdaalayeen magaalada Makkah.

Muqaallada, ayaa sidoo kale waxaa ka muuqday Xujeyda oo taagan Carafa iyo intii ay ku sugnaayeen Mina.

Arrinkan, ayaa muujinaya adeegyada, xarumaha, amniga iyo badqabka ay xujeydu ku naaloonayeen tan iyo waagii Boqor Cabdulcasiis Bin Cabdul Raxmaan, taas oo ka soo horjeedda dhibaatooyinkii ay xujaydu hore ula kulmi jireen.

Adeegyada noocan oo kale ah, ayaa dalka Sacuudiga lagu qabtaa malaayiin xujey ah oo ka kala imanaya daafaha caalamka.

http://www.alriyadhdaily.com/article/e7dbfd5df75e4e2a8800dcba7af4fef6

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here